Ciidammada AMISOM oo ka Guuray Garoonka Caalamiga ah ee Stadium Muqdisho

Afrikada, Muqidhso: Ciidammada nabad-ilaalinta wadammada Afrika ee AMISOM ayaa si buuxda uga guuray garoonka ciyaaraha caalamiga ah ee Stadio Muqdisho.

Garoonkani oo ah garoon ah garoon aad u baaxad weyn ayaa ciidammada AMISOM isaga guureen kadib markii ay joogsadeen colaadihii waaweynaa ee magaalada Muqdisho ka jirey sanado badan.

Garoonka markii hore waxaa deganaa ciidammadii Itoobiya ee dalka soo galay waxaana markii ay dalka ka baxeen ay ku wareejiyeen ciidammada Ugaandha iyo ciidamo kale oo Afrika ka socday, iyadoo garoonka la sheegay in u ahaa goob leh istraatiijiyad dhanka dagaalka ah marka loo eego caasimadda dalka ee Muqdisho.

Nasiib wanaag waxaa haatan gacan ku heynta garoonka lagu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya iyadoo ay maamuli doonto wasaaradda Isboortiga.

Dadweyne badan ayaa goob joog ahaa kuwaasi oo daawanayey ciidammada oo qalab milleteri oo aad u culus kala baxayey garoonka Muqdisho Stadium, waxa ayna ciidammadani milleterigu garoonka ka ridi jireen madaafiic aad u cul-culus oo gaari jirey meelo fog fog.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku tegay garoonka ciyaaraha isaga oo u kuurgalay xaaladda uu ku sugan yahay garoonku.

AMISOM oo kal hore ciidammadeeda milleteriga ka daabulatay jamaacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aheyd goob istraatiijiyad milleteri laheyd oo ay muddo badan ka dagaalameysay, tani oo macaahidani fursad u siinaysa in ay sidoodii hore ku soo noqdaan kana shaqeeyaan arrimaha bulshada gaar ahaan isboortiga iyo culuunta. Arrintani ayaa sidoo kale ah farxad u soo hoyatay shacabka rayidka ah.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: