DHAGEYSO: Soomaaliland Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka

Afrikada, Hargeysa: Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Puntland balse ay ka soo goosteen.

Waxaa Ciidamadaas ay ka yimaadeen deegaan lagu Magacaabo god-Qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool,halkaas oo uu geeyey Maamulka Puntland oo dagaal kula jira Soomaaliland.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamaas hoggaamineysa ayaa sheegay in markii hore ay ahaayeen kuwo la qalday,isla markaana haatan ay ku soo biireen dadkooda waa sida uu hadalka u dhigay.

Abaanduulaha qeybta todobaad ee Ciidamada Soomaaliland Gashaanle Dhexe Ibraahim Ashkir ayaa sheegay in ay Ciidamadaas ay ka mid ahaayeen ciidamadii Puntland dagaalka u diyaarisay,isla markaana mar hore ay doonayeen inay dhankooda ku soo biiraan balse ay cadaadis kala kulmeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Ciidamadaas horay uga mid ahaa kuwa Puntland una goostay dhanka Soomaaliland ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay 50 Askari iyo Gaadiid dagaal oo ay wataan,waxana Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ay sheegeen in xilligaan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamadooda.

READ MORE:  DEG DEG: Itoobiya Oo Si Toos ah U sii deysay Qalbi-dhagax

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: