DEG DEG: Xildhibaannada Kenya Oo dowladdooda ka Codsaday in milletriga KDF loo daabulo Yugaandha, lana afgembiyo Museveni? | Afrikada

DEG DEG: Xildhibaannada Kenya Oo dowladdooda ka Codsaday in milletriga KDF loo daabulo Yugaandha, lana afgembiyo Museveni?

Afrikada, Nairobi: Wararka inaga soo gaaraya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay in ay taageerto afgembi xukunka looga tuuro madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Kaguta Museveni.

Kacdoon dadweyne oo Kenya gudaheeda ka soconayey beryahan ayaa ururada bulshadu iyo hey’adaha maxaliga ah waxa ay taageereen in la farogeliyo xaaladda siyaasadeed ee uu ku sugan yahay dalka Uganda.

Xildhibaanada gobolada Kenya ayaa ku baaqayo in ciidanka difaaca dalka la geeyo wadanka Ugandha.

Xildhibaanada ayaa dood kulul oo baarlamaanka ka dhacday ku sheegay in dowlada kenya ay ciidamo geyso dalka ugandha si ay uga hortagaan dhibaatooyinka loo geesanayo madaxda mucaaradka iyo shacabka ku dhaqan dalkaasi.

Xildhibaanka Mvita Cabdulsamad Shariif Naasir ayaa waxa ka dhacayo dalka Uganda ku tilmaamay falal argagixiso oo aan loo baahneen beesha caalamka iyo wadamada jaarka la ah Uganda in ay u dulqaataan.

Cabdulsamad ayaa sheegay in looga baahanyahay dowlada kenya in ciidanka difaaca dalka ee KDF-ta ay geyso dalka ugandha oo laga hortago shaqsiyaadka ku xadgudbaya xuquuqda ay leeyihiin shacabka Uganda.

READ MORE:  Wasiirkii Wershadaha Iyo Ganacsiga Oo ku mashquulay marada Calanku ka sameysan yahay?

Xildhibaanka Mvita ayaa sheegay in baarlamaanka iyo senatka looga baahanyahay in ay ka doodaan waxa ka taagan dalka ugandha ayna dalbadaan in lasoo daayo xildhibaan Bobi Wine iyo dhamaan xildhibaanada kale ee mucaaradka ku ah dowlada Museveni ee xabsiyada ku jira.

Sidoo kale Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee uu fadhigeeduu yahay goboolka mombasa, waa Haki Afrika ayaa maanta sheegtay in ay si wayn uga xunyihiin falalka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee lagula kacay shacabka iyo mucaaradka Uganda.

Agaasimaha fulinta ee hey’ada Haki Afrika Xussain Khaalid ayaa sheegay in la joogo xiligii meesha laga saari lahaa dowlada museveni oo uu ku tilmaamay dowlad aan waxba ka aqoon dimuqaraadiyada iyo xuriyatul qowlka.
HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Xussein khaalid ayaa sheegay in wadamada bariga Afrika looga baahanyahay in shacabka ugandha ay garab ku siiyaan sidii ay xukunka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne museveni, maadama sida uu sheegay uu wali dalkaasii ku maamulayo hogaan waqtigiisa laga soo gudbay.

READ MORE:  Donald Trump Oo Sheegay in Uu Gacantiisa ku bedelayo DASTUURKA MAREYKANKA, Dhalashada Oo Uu Diiday in la Qaato, “Ma aha Canug kasta oo ku dhasha Maraykanka iska helo Dhalashada.!!!”

Xildhibaannada ka hadlay baarlamaanka oo u badnaa kuwa laga soo doorto gobolka Mombasa ayaa museveni ka doonayo in uusan ku xadgudbin xuquuqda shacabka iyo madaxda Uganda.

Ku xigeenka gaafanaha ee countiga Mombasa William Kingi ayaa wax aan loo dulqaadin karin ku tilmaamay xariga, jirdilka iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo madaxda mucaaradka ee dalka Ugandha.

Mr Kingi ayaa ugu baaqay wadamada bariga Afrika siiba kenya, Tanzaaniya iyo Rwanda in ay iska kaashadaan sidii ay ugu cadaadin lahaayeen madaxweyne Museveni in uu joojiyo siyaasada ku dhisan diktatoornimada.

Hogaamiyahan ayaa sheegay in ay qaaradda Afrika horay u socota oo shacabka Afrikaanka ah aysan u dulqaadan doonin madaxda doonaya in kaligood ay sanada aad u badan ka taliyaan hal wadan, waxaana uu sheegay in Museveni uu ka shaqeynayo wax waliba ooo kicin kara shacabka islamarkaana ay dhici doonto maalin dowladiisa si wayn loo mucaaradi doono.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Hamiga Kenya ee ah in uu ciidankeedu awood u leeyahay in uu farogeliyo arrimaha wadanka Uganda ayaa dad badani ku tilmaameen riyo dhalanteed ah, waxaana dadka qaar sheegayaan in Kaguta Museveni uu yahay libaax weli hurda oo aan wax jawaab ah bixinin. Uganda ayaa sidoo kale ah wadanka 2-aad ee heysta ciidammada ugu awoodda badan Bariga Afrika, marka laga soo tago Itoobiya.

READ MORE:  FINAL: Ogow Yaa Isku Soo Baxay Final-ka Ciyaaraha Kubadda Cagta Ee Caalamiga ah?

Dhinaca kale, m/weyne Uhuru Kenyatta ayaa u safray Mareykanka iyadoo la sheegay in uu arrimaha amniga Bariga Afrika kala tashanayo dhigiisa Mareykanka Donal Trump, waxaana wadahadallada ku jira arrimaha Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->