DEG DEG: 31 Qof Oo Oromo ah oo lagu Xasuuqay Itoobiya, Ciidanka Liyuu Boolis Oo la Eedeeyay? | Afrikada

DEG DEG: 31 Qof Oo Oromo ah oo lagu Xasuuqay Itoobiya, Ciidanka Liyuu Boolis Oo la Eedeeyay?

Afrikada, Itoobiya: Wararka naga soo gaaraya xuduudka gobollada Oromia iyo DDSI ayaa sheegaya in 31 ruux oo Oromo ah la dilay ka dib markii ciidammada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda.

Mas’uul ka tirsan gobolka Oromafa ayaa ku eedeeyay maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya in ay ciidankooda Liyuu Boolisku ay dhibkaasi xasuuqa ah geysteen.

Mas’uuliyiinta Oromada ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatadu ay ka dhacday xadka gobolka Oromada iyo Soomaalida iyagoo tilmaamay in dadka dhintay ay ku jiraan carruur iyo ciroole, shan ka mid ahna waxaa lagu sheegay dumar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa qowmiyadaha wada dega Itoobiya ee Soomaalida iyo Oromadu waxa ka dhex dhacayey isugaarsi daran iyadoo aad iyo aad la isugu leynayo degaannada xuduudda u dhaxeysa 2-da qowmiyadood.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->