Theresa May oo si yaab leh u tiri: “Waa la wada Ogyahay in aan Annagu HITLER ka xoreynay gumeysigii uu ku haystay YURUB oo dhan” | Afrikada

Theresa May oo si yaab leh u tiri: “Waa la wada Ogyahay in aan Annagu HITLER ka xoreynay gumeysigii uu ku haystay YURUB oo dhan”

Afrikada, London: Haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Ingiriiska ayaa ka hadashay sababta dalkeeda uu uga baxay Midowga Yurub waxaana ay sheegtay in dalalka Qaaradda Yurub ay inta badan aaminsanyihiin in ay iska seexdaan iyaga oo isku haleeynaya magaca Yurub.

Waxa ay tilmaantay in halka dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka ay ku tillabsadeen horumarro waaweyn in ay Yurub dib u dhac fooda la gashay.

Theresa May ayaa waxa ay ka dhawaajisay hadal aanan madaxda adduunka looga baran, kaasoo ay ku sheegtay in laga tagay gaashaanbuur qaaradeed iyo wixii la halmaala.

Waxa ay ay aad ugu nuuxnuuxsatay in dalkeeda uu doonayo in uu noqdo mid madaxbannaan isla markaana horumar dhan walba ah gaari kara sida Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Ingiriiska ayaa isagu ah boqortooyo ka badbaaday in la gumeysto waxaana qarniyo ka hor ay ka nabad gashay boqortooyooyinkii Islaamka iyadoo dagaalkii 2-aad ee dunidana ka badbaaday qabsashadii Adolf Hitler ee wadammada Yurub. Nasiibkaasi oo ah mid ay xitaa ugu faanto wadanka Mareykanka, waxaa xusuus mudan hadalkii ra’iisul wasaarihii hore ee UK Margret Thatcher taasi oo meel fagaare ah ka tiri: “Laba jeer ayeynnu jabinay haatanna way soo laabteen” iyadoo ku bahdileysay wadanka Jarmalka.

READ MORE:  Madaxda maamul goboleedyada Oo maanta Shir ku yeelanaya Garoowe

Xilligaas oo 44 sano kadib Jarmalku midoobay waxaana midowgaas ka carooday Margaret Thatcher oo iyadu waagaas geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inaannu Jarmalku midoobin laakiin dhawaaqeedii dhag jalaq looma dhigin.

Dariiqaas isaga ah waxaa ku taagan Theresa May oo khudbad ay maanta jeedisay ku tilmaantay Midowga Yurub wadammo uu Ingiriiska soo kiciyey, taasina aan la beenayn karin.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriisku waxa ay sheegtay in Dalkeedu xilli uu ahaa midka ugu quwadda iyo dhaqaalaha badan dunida balse ay qayb tahay bay tiri waxa dalkeeda dib u dhigay la socoshada dalalka yaryar ee ku bahoobay qaaradda Yurub kuwaasi oo ay carabka ku adkeysay in aysan faa’iido badan soo kordhinin tan iyo intii nidaamka EU-ga la dhameystiray kowdii bishii Nofeembar 1993-kii.

Ka go’itaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub Hal sano ayaa ka soo wareegtay Brexit-kii ay xildhibaanada UK u codeeyeen in looga baxo wadammada kale ee Yurub. Waxaana UK ay si tartiib tartiib ah u diyaarinaysay sidii ay xiriirada ganacsi iyo iskaashigii uga goosan laheyd Yurubta kale.

READ MORE:  Sacuudigu Oo U Cinqaabaya Ragii Fuliyey Dilkii Khashoggi, Fashilkii Ku Yimid Howlaglkooga

Iyadoo ka bixitaanka suuqyada iyo kala go’istu ay ay marxalad adag tahay ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay Ingiriisku sheegeen in Yurub toos uga bixi doonaan ugu dambeys saacaddu marka ay tahay 11pm GMT bisha Maarso 29-keeda, sanadka soo socda ee 2019-ka, xitaa haddii wadahadalada haatan socda lagu guuldareysto, UK toos ayey u go’i doontaa ayaa lagu sheegay warbixinta Brexit-ka.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->