Subscribe

AKHRISO: Dadka Muqdisho Oo kol Dhow Aan awood U yeelan Doonin in ay Meydadkooda Wadooyinka Ka Qaadaan! Waa Maxay Sababtu?

Afrikada, Muqdisho:   Sidii dhici jirtey sanadihii 1992-kii, 1993 ilaa 2005-tii waxaa la saadaalinayaa in mar kale baqtiga urkiisa laga kala carari doono meelo badan oo caasimadda Muqdisho ka mid ah, haddii aysan bulshadu isdaba qaban.

Sanadahaasi aynu kor ku xusnay dagaallo ayaa dhici jirey waxaana dhici jirtey in meydadka aan mararka qaarkood aan la qaadi jirin, sababtoo ah dadkii waa qaxeen, waxaana si Islaanimo ah marar badan dhici jirtey in masaajida laga qeylo-dhaamiyo oo la yiraahdo “Yaa Muslimiin aan meydadka iska asturno”

Maanta waxa ay joogtaa in baabuurtii samofalka ee AMIIN AMBULANCE loo waayey in hal hal doolar la isugu dardaro xilli ay shirkaddu soo dadaashay kana dhigtay caasimadda Muqdisho meel gargaarka deg degta ahi ka jiro.

Nidaamkii gaari-gacanka dhaawaca lagu qaadi jirey oo hormar laga gaaray, maashaa allaah..

Aamin ambulance waa hindise uu ka soo fekeray qof Soomaali ah isaga oo ogaaday ay jirto baahi weyn oo shacabku rabaan in degdeg loo nidaamiyo hab gargaar oo gurmad ah si qof dhaaeac ah oo isbitaal loola cararo, hooyo umuleysa oo laga gaarsiiyo isbitaalka ama meyd la qaadi waayey oo si asturan loo sii geeyo firinjeerka cusbitaallada iwm, waxaa samofalka Aamin AMBULANCE ka mid ah in haddii ay jug qarax ah maqlaan ay u sii deg degaan halka dhibku ka dhacay bal in gargaar loo baahan yahay iyo in kale. Aamin AMBULANCE Waa horumar bulsho rayid ah oo weliba muujineysa in gurmad ka jiro caasimadda Muqdisho.

READ  DEG DEG: Ninkii ka Dambeeyay Iskudaygii Dil Ee Abiye Axmed oo Addis Ababa Lagu Qabtay?

Waxaa maanta wax cuntami kara aan aheyn in ay dhegaheenu maqlaan dhallinyaradii AAMIN AMBULANCE ayaa waayey shidaal ay baabuurtii gurmadka ku shubaan amaba ninkii shirkadda aasaasay “WAA UU MUSALAFAY” sababtoo ah kartidiisii iyo hantidiisiiba waxaa qaba oo uu u hibeeyay sidii si mutawacnimo ah loogu adeegi lahaa dadka iyo dalka.

Sidee ku dhici kartaa in tiro badan oo hey’ado samofal taajiriin ah ay dalkeenna ka howlgalaan kuwii maxaliga ahaana ay MUSALLAFA iyaga oo aan caawineynin barnaamij sida Aamin oo kale ah…maxaa qaaday maanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maanta laga baryayo in ay hal hal doolar isku soo dardaraan si ay Aamin Ambulance meydadka jidadka uga aruuriso iyada oo weliba dadku jeebkooda aanu marneyn?

Qof la asturayo dhibka soo gaaray loola cararayo cusbitaalka degmada!

AAMIN AMBULANCE waxaa ay aasaasantay xilli adag oo Muqdisho meel walba la isku dilayey, waxa ay magaaladu u ekaatay meel naxariisi ku dambeyso sababtoo ah dadkii ayuu ugu yaraan niyadda u dhisay waana barnaamij NABADEED kan ugu fiican. Dagaaladii sokeeye ma jirin fursadaan, waxaana luuqyada iyo tiitiimada Xamar ka soo uri jirey meyd bani’aadam. Dadka Biri-mageydada ah waa la dili jirey, meydkoodana waa uu barari jirey, sababtoo qofina aqoon uma laheyn ileen waa muwaadin xabadi iska haleeshaye?

READ  DAAWO:Fanaaniin Caarifay Farxiyo Fiska Oo ku Jirto Arooskii 8-aad+Silac ku nool 30 Guursataa Dhaanta.!?!

Waxyaalaha aan maanta la isweydiin ayey ka mid tahay in AAMIN AMBULANCE si deg deg ah loo soo celiyo ama iyada oo kale in la helo, sababtuna ma aha mid qoraal iyo af ka dhihid midna lagu soo koobi karo.

Aamiin Ambulance oo howlgal samofal diyaar u ah…Muqdisho.

Waxaa dadka qalbiyadooda naxariis gashay kadib markii muddoiyinkan dambe la arkayey raxan Aamiin Ambulance ah oo ku sii ordeysa meel dagaal ka dhacay ama musiibo bani aadam ka dhaceyso, halkii waagii hore dadku ka nixi jireen arka la arko meel dagaal ka dhacayo oo raxan tekniko ah ku sii socoto si ay jugta dhaceysa uga sii qeybqaataan!

Samofal sida Aamin Ambulance ah waxaa laga doonayaa shacabku in ay sii balaaroyaan ilaa gobollada dalka, mana aha munaasib in Aamin Ambulance oo kale ay nagu dul burburto oo la waayo cid u gurmadda dadka masaakiinta ah, markii la arko gawaaroda gurmadka isbitaallada waxaa niyaddu ka jabtaa maleeshiyaadka dagaallada jecel, sababtoo ah raadkooda in lagu joogo ayey arkayaan, waxaa kale oo dhammaada colaadaha kuwaasi oo marka meel walba la dhigo baabuurta shaqaalaha gargaarka ay muuqaneyso ifafaale nabadeed iyo naxariis, qofkii xanuunsan ama dhaawacmana lageynayo goob daryeel caafimaad.

READ  DEG DEG: Ciidammada Kenya Oo isku Xir-Xiray Dad Waayeel ah+Baas Ooda Uga Qaaday, Gobolka Wajeer

Samofalka Aamiin Ambulance oo durba soo istaagtay goob colaadi ka dhacday..!

Haddii la awoodi waayo in shaqaalaha gargaarka la kordhiyo ayaa waxaa soo badan kara dadka colaadaha uun ka shaqeysta.

Laakiinse, haddii la kordhiyo lana garab istaago fekradaha samofalka ee Aamin Ambulance oo kale waxaa xitaa kordhaya barnaamijyada fiican we dhanka nabadda loo tisqaadayo xitaa shaqo abuur ilaa heer gobol ayey sameyn karaan, iyadoo kumanaan shaqaalaha gurmadka deg dega la abuuri karo, sidoo kalena, dhanka caafimaadka iyo gurmadka heer laga gaari karo.

Sidaa darteed, ayaa waxaa fiican in aynu ogaanno in haddii aynu weyno shirkad gurmad, ama aynu weynu shirikad dab Demis, ama shirikad ceelasha qoda iyo wixii la hal maala in aynu dib u socono, waxaana dadweynaha laga doonayaa in ay markiiba gacan siiyaan ama ololeyaasha dib loogu yagleelayo ka qeyb qaataan sababtoo ah waanu soo aragnay dhibta ay leedahay in jir bani’aadam la xabaali waayo ama qof dhaawac ah loo gurmadi waayo.

Hadaba caqligee dhigaya in ay sii baaba’aan samafalayaashii ma Amiga ahaa, halkii laga doonayey in horumarku sii gaaro meel kasta oo dalka ka mid ah??

Hadalka hoose waa aasaasaha Aamin Ambulance ee adeegga samofal ee gura dhaawacyada, ma jirto cid ilaa iyo haatan Ku garabtaagan howsha wanaagsan ee gurmadka ah!

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: