Subscribe

DEG DEG: Ninkii ka Dambeeyay Iskudaygii Dil Ee Abiye Axmed oo Addis Ababa Lagu Qabtay?

Afrikada, Addis Ababa: Waxaa Addis Ababa lagu qabtay nin lagu heysto in uu rabey in uu dilo ra’iisul wasaare Aby Ahmed.

Afhayeen u hadlay xafiiska Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay iskudaygii fashilmay ee lagu khaarajin rabay Abiy Axmed, kaas oo lala beegsaday xilli uu khudbad u jeedinayay kumanaan taageeroyaashiisa ah.

Sida uu afhayeenku sheegay ciidamada ammaanka ee Gumaysiga Itoobiya ayaa gacanta ku soo dhigay Tasfaye Arrage oo madax ka ahaa xafiiska ciidanka la dagaalanka argagixisada kaas oo la sheegay in uu isagu soo maleegay isku daygii dil ee Abiye Axmed lala beegsaday 23 June 2018, xili uu magaalada Addis Ababa dad kula hadlayay

Tasfaye Arrage oo ah ninka loo haysto faldambiyeedkan ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu fir fircoonaa ciidamada sirdoonka ee Itoobiya, wuxuuna Tasfaye ahaa shakhsi lagu aaminay in uu madax kanoqdo xafiiska ciidanka ka hortaga Argagixisada qaybtiisa Addis Ababa.

Afhayeenka ayaa sheegay in Tasfaye maxkamada la horgayn doono isagoo intaas raaciyay in loo hayo cadaymo badan oo la xidhiidha falka Tasfaye loo haysto, wuxuuna Afhayeenku sheegay in cidii kale ee falkaas lug ku yeelata lasoo qaban doono.

READ  AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?

Xog hoose ayaa sheegaysa in uu jiro kala shaki u dhexeeya saraakiisha
ciidammada Itoobiya dhexdooda sababo la xiriira saraakiisha ciidamadu oo iyagu muujiyeen sida ayna ula dhacsanayn qaabka wax usocdo iyo saraakiisha ciidamada ee Raysal-wasaaraha cusub uu beegsanayo, qaar badana xilalkoodii ka eryay.

Kala shakiga saraakiisha sarsare ee ciidamada iyo xisbiga talada haya ayaa soo bilowday sanadkii 2015, kadib markii kacdoon xoogan uu kabilowday wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolada Oromia iyo Axmaarada kacdoonkaas oo laxalin waayay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: