Subscribe

WAR DEG DEG AH: Maareeyihii SHIRKADDA GOLIS Oo Caawa lagu DILAY Boosaaso

Afrikada, Boosaaso:  Waxaa cawa fiidkii dil loo geystay mas’uul ka tirsanaa shirkadda GOLIS ee dhanka taleefanada waxaana la sheegay in ay Koox hubeysan soo weerartay iyaga oo dhegta dhiiga u daray kana huleelay goobta.

Dilka ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso waxaana uu ahaa mas’uul ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta Golis ee ka shaqeysa deegaanada Puntland.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Cali, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa mareeye ku xigeen ka tirsan Shirikadda isgaarsiinta Golis.

Ninkan ayaa waxaa la dilay isaga oo kasoo baxayay masjid uu kusoo tukaday salaaddii cishaha, kooxdii dilka geeysatana durbadiiba goobta ayay isaga baxsadeen.

Ciidammada amaanka ayaa goobta soo gaaray dilka kadib, waxa ayna bilaabeen howgallo ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka geysatay.

Wixii warar ku soo kordha la soco Afrikada.com

READ  AKHRI: Qodobada ay ku heshiiyeen Dowladaha Eretriya iyo Soomaaliya

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: