DEG DEG: Ciidankii Itoobiya Iyo Ciidanka Soomaalida Liyuu-Boolis Oo Dagaal Culusi ka Dhex Qarxay+ Xabadda Oo Socota?

Afrikada, Jigjiga: Waxaa magaalada Jigjiga mar kale ka qarxay dagaal toos ah oo ay isku faro saareen ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee magaalada Qabsaday iyo ciidankii madaniga ahaa ee dowlad degaanka.

Iska horimaadka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dadka iyo ciidanku gacnaha iskula tageen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhimasho iyo dhaawac badan ay gaysteen ciidamada federaalka Itoobiya waxaa kale oo dadka shacabka Soomaalida ah ay iska horyimadeen dadkii kale ee Itoobiyaanka ahaa ee dhex daganaa magaalada Jig Jiga kuwaasi oo weeraro ku haya shacabka iyaga oo soo bartilmaameedsaday xarumaha masaajida magaalada JigJiga.

Ilaa haatan 14 qof oo shacab ah ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada jig jiga dadka qaar waxaa laayay Itoobiyaanka jig jiga dagan oo baangado ku hubaysan halka qaarna ay toogteen ciidamada federaalka ee milleteriga Itoobiya.

Degaanka Qolaji oo isagu u dhexeeya degmooyinka Baabili iyo Jig jiga 6 Dhimasho ah iyo Dhaawac Tiro badan ayaa ayadana laga soo sheegayaa.

READ MORE:  Maxkamad Ciidan Oo Xukun ku riday Saxafi ka howlgalayey Dhuuso-Mareeb?

Ciidammada milleteriga dowladda oo wata basas dhaadheer ayaa waxaa looga horyimid degaanka Qolaji halkaasi oo iyadana la isku fara saaray waxaana la gubay Safkii hore ee basaska ciidanku wateen, waxa is haleelaya ayaa ah shcabkii degaanka iyo iyaga oo ku qeylo dhaaminayey qaylinaayeen nooga baxa wadankeenna iyo ereyo kale.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->