AKHRISO:Shacabka Reer Jabuuti Oo ku kacay Oromada+Dowladda Oo Amartay in la is dejiyo? HEES QIIRO LEH | Afrikada

AKHRISO:Shacabka Reer Jabuuti Oo ku kacay Oromada+Dowladda Oo Amartay in la is dejiyo? HEES QIIRO LEH

Afrikada, Jigjiga: Dowladda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shacabkeeda ugu baaqday in ay is-dejiyaan kadib markii rabshadaha ka dhacaya Degaanka Soomaalida Itoobiya uu dagaalkaasi saameeyay dadka reer Jabuuti ee degan magaalada Diri-Dhabe.

Weeraro culus ayaa lagu qaaday dadka Jabuutiyaanka ah iyagoo loo bartilmaameedsaday in Soomaali yihiin, naxdinta ayaa dhacday kadib markii qoys aan waxba galabsanin oo reer Jabuuti ah oo ka kooban hooyo iyo afar caruurteeda ah Oromadu dhegta dhiiga u dareen.

Arrinkan oo ka careysiiyay dadka Jabuuti iyadoo shacabka wadankaasi ay aad uga caroodeen falka Oromadu geysatay.

Maxamed Axmed Buuni, oo ka tirsan ehelka hooyada iyo carruurta la dilay ayaa sheegay in Xaas uu qabay Walaalkiis iyo Afar Carruur ah ay dhashay hal goob lagu wada dilay, ka dib markii ay saameysay rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Walaalkiis Maxamed Maxamuud Buuni ee xaaskiisa la dilay uu ka mid yahay Ciidamada Jabuuti balse Xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay ku noolaayeen Magaalada Diridhiba.

READ MORE:  DAAWO: Galka-Baarista VOA-da Oo Wax-badan ka Iftiimiyay Qaabka ay Al-Shabaab CANSHUUR UGA QAADO Ganacsatada Muqdisho?

Buuni ayaa sheegay in qoysas kale oo qaarkood uusan aqoon in rabshadahaas ay wax ku noqdeen, isla markaana xaaladu ay tahay mid degan.

Intaa kadib waxaa dowladda Jabuuti ay halkaasi u dirtay diyaarado si rayidkeeda ay uga soo saarto Dir Dhaba iyo meelaha rabshaduhu ka socdaan.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->