Subscribe

DHAGEYSO: Guri ay deganaayeen Dad Soomaali ah Oo dab la qabadsiiyay+SOOMAALIDA Oo guryahoodii ka QAXAYA magaalada DIRI-DHABA

Afrikada, Diri-Dhaba:   Waxaa mar kale weerar culus soo qaaday Oromada magaalada Diri-Dhaba halkaasi oo faraha la isa saarayo.

Soomaalida ayaa ka qaxeysa Diri-Dhabe iyadoo lagu gubayo guryahooda, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Oromada la soo hubeynayo iyada oo ay taageerayaan ciidammada Itoobiya, tani oo ah sababtii dhalisay in Dowlad degaanka iyo dowladda Itoobiya ay fooda is-daraan. Soomaalida ayaa iyagu xalay bilaabay in ay guryahooda ka cararaan waxaana la sheegayaa in beesha Geri la yiraahdo ay u badan yihiin dadka Oromada u dhow kuwaasi oo la beegsanayo.

Habenimadii xalay ayaa guryaha dabka la qabadsiiyey ee Soomaalida waxaa ku dhintay 2 qof.

Arrinta ka soo dareysa awgeed ayaa waxaa soo baxeysa Cabdi Iley ay dowladda Itoobiya cadaadis saareyso isaga oo kiciyey dadkii gobolka ku dhaqnaa si ay isku difaacaan.

Oromada ayaa iyagu ka maseyrsan horumarka iyo ceelasha Saliidda ee laga helay dhulka Soomaalida kililka 5-aad waxaana ay meel walba ka bilaabeen in ay Soomaalida xasdaan. Tani oo weli aaney Soomaalidu ka jawaabin in ay banaanbaxyo yar yar abaabulaan mooyee.

READ  DHAGEYSO: Safarkii RW Kheyre Oo Sharafta laga Qaaday, PUNTLAND Oo Weerartay RW KHEYRE waa Cadow, Aan Isku tashano+Galmudug Oo Tiri HOBYO ayaa Weerar lagu yahay

17 qof oo Soomaali ah oo dumar iyo caruur u badan ay ilaa haatan ku geeriyootay rabshadaha ka soconaya magaalada Diri-dhabe. Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba sida ay xaaladdu noqoneyso saacadaha soo socdo. Iyadoo xaaladu galabta degan tahay.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: