DHAGEYSO: Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo aad Uga Careysan ISBEDEL LA’AANTA Dowladda Farmaajo? | Afrikada

DHAGEYSO: Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo aad Uga Careysan ISBEDEL LA’AANTA Dowladda Farmaajo?

Afrikada, Muqdisho:   Waxaa aad u qeylo dhaaminaya xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka cabanayaan in Al-Shabaab hal taako la riixi waayey, iyagoo madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay nin been badan oo noqday daneyste ka qaraabta shirarka loo aadayo wadammada shisheeye.

Xildhibaannada ayaa sheegaya in la waayey nin hogaamiye ah oo si toos ah ula dirira cadowga kala yareeyay ummadda Soomaaliyeed, isla markaasina la waayey hogaamiye karti siyaasadeed iyo adkeysi u leh in uu ciidanka milleteriga hogaamiyo. Xildhibaannada ayaa isku si u eedeeyay labada mas’uul ee ugu sareysa dalka, maadaama ay isku feker iyo isku siyaasad yihiin oo kii qaldama aanu kan kale qaban karin.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble waa xildhibaan ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre waxa uu ku dhaliilay in ay ka gaabisay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana weli go’aansan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada Maamulkaas.

“Dhibka maanta naheysto waxaa ka mas’uul ah xukuumadda Nabad iyo Nolol isku-tilmaamtay, deeganada Hir-Shabeelle in Shabaab laga saaro dowladda awood uma weynin hubkii ugu badnaa oo dowlad Soomaaliyeed la siiyo ayaa soo gaaray dowladda hadda jirta, laakin waa ay ka jiiftaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa uu yiri Xildhibaanka.”

Dhanka kale, hadalka mas’uulkani ayaa ku soo beegmaya xilli Dadka caasimadda ku nool habeen walba ay ku waabariistaan warar sheegaya in dad aan waxba galabsanin la dilayo maalin kasta, walow Eebbe hayo nolosha iyo dhimashada.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray
- Apr 11, 2019
Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga ...
Banaanbaxayaasha Suudaan oo codsaday in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah
- Apr 9, 2019
Afrikada, Muqdisho: Banaanbaxayaasha wadanka Suudaan ayaa Isniintii ka codsaday ciidamada wadankaasi in ay soo ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->