DEG DEG: XASAN KHEYRE Oo kala Ceyriyay Wasiiradii Xukuumadda Federaalka-Calaamad GUULDAROOYIN ay Dowladdu Dhex-Dabaalaneyso | Afrikada

DEG DEG: XASAN KHEYRE Oo kala Ceyriyay Wasiiradii Xukuumadda Federaalka-Calaamad GUULDAROOYIN ay Dowladdu Dhex-Dabaalaneyso

Afrikada, Muqdisho:    Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo isku-shaandheyn maanta ku sameeyey xubnaha Golihiisa Wasiirada, iyada oo la magacaabay Xilalka Wasaarado hore u banaanaa.

Arrintan isku shaandheynta ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Magaalada Muqdisho maalin waliba 5 ilaa 10 Qof meydkooda la soo aasayo, kuwaasi oo lagu dilo magaalada bartamaheeda iyadoo dadku aaney u jeedin cida wax dileysa.

Dowladda ayaa iyadu sirdoonkeedu uu indha ka xiran yahay dembiyada iyadoo sidoo kale aysan jirin diiwaangelin dadka dhimanaya wadanka Soomaaliya, xilli lawada degan yahay ayaan hadana la isku jeedin oo dembiyadu u dhacaan si aan hore loo arag, dhanka kale madaxda ugu sareysa dalka oo safarro ku kala maqan ayaa markii ay soo laabtaan ku jeesta wasiirada kuwaasi oo maanta la casilay qaar ka mid ah.

Wasiirada ayaa loo soo magacaabay sida soo socota:

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare — Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta — Sheekh Nuur Maxamed Xasan

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen — Wasiirka Xanaanada Xoolaha

READ MORE:  Mukhtaar Rooboow Oo U Tartamaya Xilka Madaxweyne Ee Maamulka K/Galbeed?

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda — Cabdullaahi Bidhaan Warsame

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada —  C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Dhammaan mas’uuliyiintaan la Magacaabay ayaa waxaa la faray in si deg deg ah U Gutaan xilka loo magacaabay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->