Subscribe

DEG DEG: Qarax Xoog Badan Oo ka dhacay magaalada Muqdisho? DHAGEYSO

Afrikada, Muqdisho:    Waxaa magaalada laga maqlay qarax xoogga kaas oo ka dhacay dhanka wadada mashquulka bada ee Maka Al-Mukarama.

Shacabka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa uu ku Qarxay Wadada xilli ay mashquul saa’id ah aheyd.

Warar kale duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxa Gaariga halka uu ku qarxay,

War siyaado ah oo haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in Gaarigani oo laga soo buuxiyay Waxyabaha qarxa la dhigay Maqaaxi dhawaan la furay oo ku taallay Agagaarka Baar Italia ee Nawaaxiga Isgooyska Shaqaalaaha ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho,ayaa waxa ku dhintay inta la xaqiijiyay 4 oo shacab ah,iyadoo sidoo kalana ay ku dhawacmeen 7 qof oo kale kuwaas oo dhawacooda qaarkood la sheegay in ay yihiin kuwa halis ah.

Dhanka kale ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa Caawa ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

READ  Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London

Gadiidka Gurmad Deg Deg ah ayaa hadda ku soo qulqulaya Goobta uu Gaariga ku qarxay si ay Gurmad ugu sameyaan Dadka ay wax yeelada ka soo gaartay qaraxa.

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: