DEG DEG: Kacdoon Dhallinyaro Oo ka Qarxay magaalada Diri-Dhabe, DDSI? | Afrikada

DEG DEG: Kacdoon Dhallinyaro Oo ka Qarxay magaalada Diri-Dhabe, DDSI?

Afrikada, Diri-Daba:  Wararka aynu ka helayno magaalada Diri-dhabe ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in rabshado waaweyn iyo qas ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa. Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo. Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo iyo qalab kale.

Dad goob joogeyaal ayaa sheegaya in boolis ka tirsan federaalka Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan dadka rabshadaha wada. Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay.

Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo dhaawaca, iyadoo ay xaaladu tahay mid kacsan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->