Subscribe

DAAWO: Nin OROMO ah Oo maanta DHULKA LAGU JIIDAY magaalada Boosaaso?

Afrikada, Puntland:   Waxaa maanta dhacday in magaalada Boosaaso nin lagu sheegay in uu yahay dadka Oromada dhulka lagu jiiday, ninkaasi oo si xun loo garaacay.

Muuqaallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinayey ninkaasi oo ku dhawaaqaya shahaadada, kaasi oo dhallinyaro careysani si xun u garaaceen.

Arrinkan ayaa waxaa uu ka dambeeyaa kadib markii hore Oromadu u xasuuqday isla markaana ay qaxisay dadyow Soomaali ah oo ka soo jeeda kilinka 5-aad.

Dagaallo culus ayaa ilaa haatan dhex maraya Oromada iyo Soomaalida waxaana dad badan lagu dilay dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo isceyr ceeyrsi iyo dagaallo isugaarsi ah uu u dhex marayo Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, tani oo Soomaalida dhulalka kale degan dareen ku yeelatay, kadib markii Oromadu ay dil u geysatay Soomaalidii.

Madaxweynaha wadanka Itoobiya ayaa isagu ka soo jeeda beesha Oromada waxaana ay arrintan u noqoneysaa cashar iyo aqoon dheeraad ah oo ay Soomaalida ka baran doonaan.

Maxaa Soomaalida Itoobiya loo qasayaa?

Soomaalida Itoobiya ayaa hilfaha loo qaadayaa sababtoo ah waxa dhulkooda laga helay shidaal badan iyadoo wax difaacayana aysan jirin, Dhulkani Xabashidu gumeysato ayaa waxaa lagu jeediyay dareenkii Oromadii ku kacsaneyd dowladda Itoobiya, waxaana colaadda Hurinaya madaxweynaha Oromada ah ee Abaay Ahmed, sidoo kale Abaay ayaa doonayaa in la dhibaateeyo horumarka Soomaalida Itoobiya ee dhanka wadooyinka iyo dhismeyaasha si marka la dumiyo hamigaas shidaalka looga dal-dasho looga dhoofiyo dekadaha Jabuuti iyo BerBera.

READ  DAAWO:Khudbaddii M/weyne Farmaajo ka jeediyay Soo dhoweynta Abiy Ahmed ee Muqdisho

Haddii Soomaalida Itoobiya amni la siiyo waxaa laga baqayaa in ay heer sare oo nololeed gaaraan, Dhinaca kale Dowladda Itoobiya ayaa millteriga u daabuleysa dhulalka Soomaalida ee Kilinka 5-aad, iyadoo la soo afjari doono dhammaan maamulkii horumarka sameynayey iyo wixii uu horumarka ka sameeyay, waxaa kale oo ay dowladdu iska dhigeysaa ama metali doontaa sidii in ay cafis u fidisay jabhadihii ONLF-ta oo kale si loo burburiyo xoogaagii yarka ahaa ee madaxbanaanida aheyd ee DDSI la siiyey looga takhaluso.

Waxaa arrinkan si toos ah u fulin doona qabiilka madaxweyne Abyi Ahmed ka soo jeedo, ha yeeshee waxaa sii soconaya dhul boobka Soomaalida lagu riixayo iyadoo OROMADU ay diiradda saareyso leynka (Dhulalka) shidaalka mustaqbalka laga heli karo, dhulkani oo ay fududahay in Soomaalida laga kiciyo, si mustaqbalka ay Oromadu u sheegato in ay iyadana shidaal laga helay.

Soomaalidu weli lama aysan dagaalamin Oromada, waxaana weli lala yaaban yahay in dibadbaxyo looga adkaan karo Oromo iyo in kale, dhanka kale lama oga sida dhulka Soomaalida ee DDSI uu uga badbaadi karo dadka duullaanka ku ah, Iyadoo Oromadu aysan dib u laaban karin xilli ay dowladda Itoobiya u adeegsaneyso arrimo cayiman oo taariikhda iyo Juqraafiga wax looga bedelayo, tani oo aan indhaha Soomaaliweyn ka qarsooneyn, cid walibana ay ogtahay in Itoobiya dooneyso dhulka Soomaalida Oo dhan, iskaba daa DDSI’e xitaa waxaa dhulka diyaar ula ah kuwa fadhiya, Xamar, Garoowe, Hargeysa, iyo Kismaayo, hadaba akhristow, sow khasab ma aha in Soomaali-Galbeed la dhaco, la kufsado, lana boobo hantidoodii ma guurtada aheyd?? Adiguba is-weydii?

READ  Xanuunka Daran Ee xilliga Caadada 

Wax weyn oo micno ah ma keenayso in hal qof dhulka lagu jiido, waana arrin muujineysa in Soomaali aysan tabar kale heynin, sababtoo ah waxaa dhinacyada uga dheggan, mintidiin, kala qeybsanaan goboleed, kala aragti duwanaan, qabiileysi, iyo arrimo muddo badan la soo diyaarinayey kuwaasi oo maanta u hirgalay cadowga Soomaaliyeed.

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: