Subscribe

DEG DEG: Xaaladda Oo kacsan Iyo Kaniisadda magaalada JIGJIGA Oo la Gubay

Afrikada, Jigjiga:   Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya kacdoon dadweyne oo ka soconaya magaalada caasimadda u ah Soomaali-Galbeed ee Jigjiga. Halkaasi oo maant rabsado faraha la isku la tegay ay ka dhaceen.

Waxaa dab la qabadsiiyey Kaniisadii Kirishtaanka Ortodox-ka ee magaalada Jigjiga, waxaana weli soconaya rabshado ay dadweynuhu ku kaceen dowlad degaanka iyadoo dadku ay ku xoomayaan xarumaha waaweyn ee magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Federaalka Itoobiya ayaa la wareegay badi Xarumaha maamulka magalada Jigjiga, waxaana sidoo kale jirta goobo dab la qabadsiiyey.

Xaalada kacsanaan ah ayaa weli waxa ay ka taagan tahay Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay xiisada Maanta ka taagan Magalada Jigjiga,iyada oo aan la ogeyn halka uu aaday Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Kilinka 5-aad uu ka dhuuntay madaxtooyada iyada oo ilaa haatan aan la garaneynin halka uu ku sugan yahay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: