Puntland: “Qaraxii Buuhoodle Waxaa ka dambeeyay maamulka Somaliland” | Afrikada

Puntland: “Qaraxii Buuhoodle Waxaa ka dambeeyay maamulka Somaliland”

Afrikada, Garoowe:  Waxaa eedo loo jeedinayaa maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya iyada oo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qaraxyo ku dhufatay magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in eedo kulul oo sheegay in Somaliland ay maleegayso dhibaatooyin ka dhan ah shacabka Koonfureed.

Warkani ayaa soo baxaya iyadoo ay jiraan tuhumo la xiriira in maamulka Somaliland uu maalgelin iyo abaabul u sameeyo kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Koonfurta wadanka Soomaaliya.

Cabdi Xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar ‘Camey’ oo ah madaxweyne  ku xigeenka maamulka Pundland ayaa maanta la hadlay warbaahinta waxaana uu qaeexay in qaraxii ee dhowaan ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobalka Ceyn.

Cameey waxa uu ku eedeeyay Soomaaliland in ay ka dambeyso shaqaaqooyin bilihii la soo dhaafay ka dhacayey gobolka Ceyn isaga oo carabaabay in Somaliland ay bilowday qaraxyo waaweyn in ay ka abaabusho magaalooyinka ay maamusho.

Sidaasi si la mid ah ayaa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku in maamulka uu horboodo ay g’aansadeen in ay qaadaan tillaabooyin dhanka argagixisada ah iyaga oo gadaal ka riixeya dagaalamayaasha Al-Shabaab, si aysan Koonfurtu ugu guuleysanin dhanka nabadeynta.

READ MORE:  DAAWO:Gabadhii soo Guursatay 'Ninka Dadka Ku Soo Dilay Mareykanka' Oo tiri 'Alla Ninkeyga macaane Ii Daaya, "Cadde Caanaha Labeentooda" Dhunkasho MAC dhabanada kaga dhejisay..yaab!!!

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Soomaaliland, kaasi oo ku aadan in ay Soomaaliland ay ku dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->