Subscribe

DAAWO SAWIRADA: RW XASAN KHEYRE Oo shir Gudoomiyey Shirka Wadajirka ah ee Golaha Wasiiradda FS iyo Puntland DAAWO

Afrikada, Garoowe:  Shirkaan wadajirka ah ee ay maanta Magaaladda Garoowe ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda dowlad Goboleedka puntland, ayaa looga hadlayey xoojinta wada shaqaynta wasaaradaha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo mideyn lahaa siyaasada iyo sharcidda .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali , ayaa shir Guddoomiyey shirkaan, waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo si wayn looga dooday siddii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradaha dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, ayaana lagu soo bandhigay Baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada dhaqaalaha amniga shaqalaha.

Dhammaan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka puntland, ayaa tilmaamay in wasiir kasta ay ka dhaxeyso wada shaqayn wanaagsan, iyadga iyo kuwa dowladda dhexe.

Shirka Wada jirka ah ayaa lagu go’aamiyey in si dhaqso ah Loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.

READ  DAAWO:Garaad Saleebaan Garaad Maxamed & Shirkadda DAHABSHIIL Oo ay meel Xun ka gaartay

SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: