Subscribe

Wadammada Afrika Oo Dhallinyaradooda kala Soo baxaya Wadanka Qatar

Afrikada, Doha:   Waxaa Cabashooyin badanka imaaneysaa dhallinyarada Afrikaanka ah ee jooga wadanka Qatar.

Dhallintani ayaa dowladaha waxa ay u daabuleen dalkaasi si nolol fiican iyo shaqooyin ay halkaasi uga helaan.

Waxaa soo ifbaxeysa in dhallinyarada wadammo badan oo Afrikaan ahi ay halkaasi ku silcayaan iyaga oo sheegaya in shaqo xumi baahsan ay ka dillaacday Qadar.

Dhalinyaradan oo laga qaaday dalka ayaa waxaa la sheegay in lagu khayaanay in shaqooyin laga siinayo dalka Qadar, hase yeeshee waxaa la sheegay in markii ay tageen dalkaasii in balamihii laga qaaday looga baxay.

Wadammada Deriska la ah Qatar ayaa wadankaasi ka go’doomiyay dhanka dhaqaalaha iyaga oo sheegay in ay Qatar saaxiib la tahay cadowga Carabta oo ay sheegeen in ay tahay Iiraan.

Wadanka Kenya waxaa culimada dalkaasi ay ku qeylo dhaamiyeen in dhallinyaro badan ay Qatar ku go’doonsan yihiin iyadoo shaqooyinkii loo balanqaaday ay go’een isla markaasina uu dalkaasi sii gelayo musiibo dhaqaale.

Amiirka Qatar ayaa isagu horey u sheegay in si kasta oo loo go’doomiyo Qatar ay dowladiisu u adkeysan doonto iyadoo Liiraha wadankaasi uusan marnaba hoos u dhici doonin.

READ  DAAWO: “Somaliland Waa Hasha Geella Cunta Ee Hadana Cabaadda”

Dhanka kale, dhaqaalaha suuqyada ayaa laga dareemayaa in uu jiro hoos u dhac weyn iyadoo sanadkii hore ay aheyd markii Qatar ay durba dareentay in isqurxintii iyo Cosmetigii uu meesha ka baxay isla markaasina haatan ay Turkiga iyo Hindiya ka codsatay in ay u sameeyaan dariiqyo dhaqaalaheeda lagu kabo.

Waxaa haatan si toos ah Qatar u kaalmeeya wadanka Iiraan oo wado toos ah u furay suuqyada laga adeegto dhanka cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ah, bals xukuumadda ayaa difaacaneysa iyadu dhinacyada howlaha dowladda iyo lacagta dalkaasi iyadoo ku difaaceysa gaaska ay dhoofsato Qatar iyo shidaalka kale.

Si kastaba arrimaha bulshada ayaa waxa ay galeen weji cusub oo halistiisa leh iyadoo laaji’iintu ay isaga baxayaan wadankaasi gaar ahaan kuwii hore u baahnaa ee horumarka iyagu halkaasi u aaday.

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: