Shirkii Golaha Wasiirada Federaalka Oo ka badbaaday in uu Baaqdo

Afrikada, Garoowe:   Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maalinimadii Shalay aheed gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa Maanta halkaasi in uu uga qabsoomo Shirka todobaad laha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wafdiga Golaha Wasiirada ee Shalay Gaaray Garoowe waxaa hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana horay Magaalada u sii joogay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Shirkan ayaa ku sigtay inuu baaqdo, kadib Khilaaf lixaad leh oo ka dhashay Dhagax dhigii Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug,Puntland ayaana ka xumaatay In Ra’iisul Khayre uusan dhagax dhigin Dekadda, warar hoose ayaana sheegaya in arintaa owgeed ay uu Shirkani qalqal ugalay.

Inta aysan Muqdisho ka bixin Golaha Wasiirada waxaa la sheegay in tiro dhowr jeer duyuuradda ay ku safri lahaayeen la hakiyay, waxaana ugu danbeeyntii iyada oo shaki badan jiro ay Wasiiradu u safreen Magaalada Garoowe.

Sida wakaalda wararka ee Heemaal News ay u xaqiijiyeen ila lagu kalsoonaan karo, wadahadalo soo gaaray xalay galinkii danbe oo udhaxeeyay Madaxda Dowaladda dhexe iyo kuwa Puntland ayaa ugu danbeeyntii lagu go’aamiyay in shirka uu Khamiista Maanta ah Qabsoomo.

READ MORE:  DEG DEG: 5 askari Oo ciidammada Kenya ka tirsan Oo lagu dilay Gobolka W/Bari?

Ugu danbeeyn xalay sidoo kale waxaa baaqday xaflad lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe oo loogu dabaal dagayay Sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay Markii la unkay Maamulka Goboleedka Puntland, waxaana baaqashad Xafladan horseeday guuxa Siyaasadeed ee ka dhashay Dhagax dhiggii Dekadda Garacad.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: