Gudoomiyihii Shirkadda ‘Startup Grind’ Oo maanta Lagu Dilay magaalada Muqdisho | Afrikada

Gudoomiyihii Shirkadda ‘Startup Grind’ Oo maanta Lagu Dilay magaalada Muqdisho

Afrikada, Muqdisho:    Waxaa maanta dadka ka nixiyey dil loo geystay mid ka mid ah dhallinyaradii ka soo laabatay Qurbaha, weliba ninka maanta la dilay ayaa nin fekrado badan oo horumarin ah dalka keenay.

Ninkan ayaa wadanka Soomaaliya keenay fekrado ganacsi, shirkadiisa ayaa la yiraahdaa Startup Grind. Arrintan oo ka nixisay qof kasta oo horumar la jecel dalkiisa.

Waxaa dilay dabley hubaysan oo goobta ka cararay, Ninka maanta la dilay ayaa lagu magacaabay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali “Dable Pilot” waxaana lagu dilay Barxadda Baarka Spaghetti House oo ku yaalla meel ku dhow Isbitaalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.

Dadkii meesha joogey oo fiirsanayey sida dilku u dhacayo ayaa warbaahinta u sheegay in ay kooxo hubeysan rasaas huwiyeen marxuumkaasi, xilli uu gaarigiisa ku baarkimayey Barxadda la dhigta gawaarida ee Spaghetti House.

Wararku waxay sheegayaan in Maxamed Maxamuud Sheekh Cali ‘Dable Pilot’ rasaastu ka haleeshay Caloosha, isla markaana uu u geeriyooday dhaawacaasi.

Allaha U Naxariistee Maxamed Maxamuud Sheekh Cali Dable Pilot waxa uu Madax ka ahaa Shirkadda Dhallinyaradda ku dhiiri-gelisa Hawlaha Ganacsiga, wuxuuna ahaa Ganacsadihii ugu horreeyey ee magaalladda Muqdisho ka hirgeliya Goobaha Landariga ee sida casriga ah loogu dhaqo Dharka, gaar ahaan Jaakadaha (Laundry).

Haddii dilalkan ay sii bataan ayaa waxaa dib u noqon doona dad fara badan oo dalkooda u yimid si ay nabad uga dhaliyaan, hase yeeshee ma jiro jixin jix loo hayo dadkan oo aad moodo in Muqdisho uu wanaagga iyo karaamada nolosha ay ka sii suuleyso.

Marxuumka la dilay..Allaa ya raxma!

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->