Subscribe

GALMUDUG: “Dekadda Garacad Waxaa lagu FALISAYAA dekadda Hobyood, Waana Ujeeddo GURRACAN Oo nalagu DAGAYO..!

Afrikada, Cadaado:     Wararka ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maamulkaasi uu cambaareyn dusha uga tuureen ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyaga oo sheegay in uu u soo aaday Puntland in uu dhagax dhigo dekadda Garacad ee gobolka Mudug,

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu sheegay in safarkiisa Puntland uu mid booqasho heer federaal ah isla markaasina uusan dhex gali karin arrimaha dhismaha dekadda Garacad, isaga oo ka dhowrsanaya in iska horimaad siyaasadeed ka dhasho arrintaas, balse waxaa furka tuurtay oo ka xumaaday arrintaasi maamulka Puntland.

M/weynaha Puntland mudane Gaas ayaa eed dusha uga Tuuray Xasan Cali Kheyre isaga oo ku tilmaamay mid hareer maray ujeedkii weynaa ee booqashadiisa laga lahaa, Balse Xasan ayaa fahmay dhibka meesha yaal isaga oo hadalkiisa ku soo koobay ‘Aanu u wadashaqeyno qaab dowlad federaal ah’ halka Cabdiweli uu ugu jawaabay “Adeer annagu Puntland haddaan nahay waanu isku tashaneynaa, cid aan isku haleyneyno ma jirto.”

READ  DEG DEG: 14 Sarkaal Oo loo Xiray Qaraxyadii Muqdisho

Iyaa oo hadallada xanafta leh ay ku soo beegmayaan booqashada heer federaal ee RW Khyere ayaa xaaladdu waxa ay u muuqataa mid sii murgeysa.

Dhanka maamulka Galmudug ayaa iyagu dhankooda shaaciyey in haddii uu Kheyre Dhagax dhigo dekadda macmalka ah ee Garacad ay taasi macnaheedu tahay in la suuq xirayo dekadda Hobyo isla markaasina la doonayo in Garacad laga kireeyo dowladda Itoobiya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isagu ka dhowrsaday in uu labada dhinac dhexda u galo, balse waa uu ka badbaaday sababtoo ah waxaa uu isagu sii wataa howshiisii booqasho, isaga oo aan dhegna jalaq u siinin dhinacyada iyagu is eedeeyanaya.

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa isagu hadal jeediyay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: