Subscribe

Dowladda Jabuuti: “Waan ka Soo Horjeednaa Hadalkii Farmaajo Uu ka jeediyay Asmara” DOKUMENTI

Afrikada, Djibouti:  Dowladda wadanka Jabuuti ayaa warqad ay soo gaarsiisay warbaahinta ku sheegtay in ay aad uga xun tahay in uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu jeediyo hadal khatar ku ah mustaqbalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Warqaddan oo ka soo baxday safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in Jabuuti aysan marnaba ka fileynin dowladda Soomaaliya weliba hogaamiye Farmaajo in uu ku dhawaaqo ama soo dhex galo arrimaha siyaasadeed ee Jabuuti iyo Eritrea ka dhex aloosan.

Hadalkan ayey Jabuuti tilmaantay in uu dowladeeda ku abuuray cabsi iyo khalkhal iyadoo Farmaajo uu toos u faro geliyay arrimaha diblumaasiyadeed ee Jabuuti iyo Eritrea, sida ay hadalka u dhigtay.

Muxuu ka dhashay hadalku?

Warbixintan ayaa la soo saaray kadib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Asmara ka khudbeeyay isaga oo yiri: “Waxaan Qaramada Midoobey ka codsaneynaa in ay cunaqabateynta ka qaado dowladda Eritrea” hadalkan ayaa noqday mid Jabuuti uu qalqal geliyay wadankaasi Jabuuti.

Sida ka muuqata warqadda waxaa Jabuuti ay sheegtay in ay ciidan xoog leh u dirtay Soomaaliya si ay si walaaltinimo leh u garab qabato Soomaaliya balse Eritrea iyadoo xoog leh ayeysan wax ciidan ah oo u dagaalama aysan u soo dirin dowladda federaalka ah.

AKHRI WARQADDA JABUUTI SOO SAARTAY: 

READ  DEG DEG: Ciidammada Qaranka Oo howlgallo Adag ka fuliyey Muqdisho+ Dhallinyaro La Soo Qabqabtay?

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: