DHAGEYSO: Safarkii RW Kheyre Oo Sharafta laga Qaaday, PUNTLAND Oo Weerartay RW KHEYRE waa Cadow, Aan Isku tashano+Galmudug Oo Tiri HOBYO ayaa Weerar lagu yahay
Afrikada, Puntland: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Axaddii ka baxay magaalada Muqdisho waxaana uu gaaray Garowe xarunta Puntland, safarkiisa deegaanadaasi waxaa jiray qorsheyaal deganaa sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay, Inuu booqdo magaalooyin ka mid ah Puntland, dekad cusub ka dhagax dhigo Garacad, in uu ka qeybgalo munsaabadda 20-sano Guurada maamulka Puntland iyo kuwo kale ayaa kamid ahaa ujeedooyinka ugu weyn ee socdaalka Xasan Kheyre.
Markii wafdiga ra’iisal wasaaraha ay gaareen Garowe, kulamo ay la qaateen madaxda Puntland kadib maalinki xigay waa isniinti e waxaa uu Ra’iisal wasaare Kheyre qudbad u jeediyay ardayda wax ku barata deegaanadasi, shalay ayaana la qorsheynayay in isaga iyo madaxweynaha Puntland ay tagaan deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug kana dhagax dhigaan dekad cusub.
Garacad waxaa ay dhacdaa Waqooyiga Mudug waxa ayna ka mid tahay xeebaha Soomaaliya kuwooda leh Marsooyinka dabiiciga ah, waana mid fac weyn.
Gobolka Mudug waxaa uu ka dhaxeeyaa labada maamul gobol ee Puntland iyo Galmudug, waxaase deegaanka Garacad u xisaabanyahay Puntland.
Isla Gobolka Mudug deegaanada hoos taga Galmudug waxaa ku yaala dekada qadiimiga ah ee Hobyo taasi oo hadda lagu wado in dib u dhis lagu sameeyo, masuliiyinta Galmudug ayaana ra’iisal wasaaraha ku dhaliilay in dekad cusub ka dhagax dhigayo Garacad, Hobyo-na lagu dhabar jebinayo.
Maxamed Nuur Diini waa wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Galmudug, habeen ka hor ayaa uuna KNN u waramay.
“Walaac ayaan ka qabnaa safarka ra’iisal wasaaraha, iyo dhagax dhigga dekadda Garacad, Garacad waxay u dhawdahay dekadda Hobyo looma baahna” ayaa uu yiri.
Ma dhicin in ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu tago Garacad si uu u dhagax dhigo dekada cusub ee halkaasi laga hirgalinayo, qorshuhuna ahaa inuu tago sida ay ii sheegeen ilo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Lama oga sababta uusan u tagin, Balse waxaa shalay gelinkii hore Garoowe ka baxay tagayna Garacad madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, dekadda Cusub ee Garacad ayuna dhagax dhigay.
Hadal uu deegaanka Garacad ka jeediyay Madaxweyne Gaas ka hor daqiiqado dhagax dhigga dekada Cusub ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay hadal u muuqday mid fariin u ah ra’iisal wasaare Kheyre ee ka baaqsaday Garacad.
“Mar hore ayaan dhagax dhigi lahayn dekadda Garacad, waxaan sugeyna madaxda dowladda Federalka mase dhicin, waana in aan isku tashanaa Puntland” ayaa uu yiri Gaas.
Xasan Kheyre dhankiis Garowe waa uu ka baxay wuxuuna gaaray Qardho kulamo ayuu la qaatay dhaqanka Puntland ee magaaladi ku sugan, madxaweyne xigeenka Puntland Cadi xakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ayaana Ra’iisal Kheyre wehlinaya.
Madaxweynaha Puntland iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay Garoowe waxaana tan iyo shalay halkaasi laga soo warinayaa inuu jiro khilaaf u dhaxeysa labada Masuul kaa oo ka dhashay baaqashada ra’iisal wasaaraha ee dhagax dhigga dekadda Garacad.
Sidoo kale Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dhaqanka deegaanada Puntland ayaa ka carooday sida ay u dhacday dhagax dhigga dekadda garacad.
Cabdi Faarax Saxciid Juxa wasiirkii hore arimaha gudaha ee xukuumadan ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku dhaliilay Ra’iisal wasaaraha inuusan tagin deegaanka Garacad.
Dad ka dhaw madaxtooyada Puntland iyo xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa inoo sheegay in khilaafka labada dhinac uu ku dhawaaday inuu baaqdo kulanka Golaha wasiirada Soomaaliya ee todobaadkan oo Garoowe inuu ka dhaco la qorsheynayo.
Boosaaso in uu tago Ra’iisal wasaaraha ayaa sido kale lagu wadaa waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Cabdi wali Gaas uu ka biyo diiday raacistiisa.
Dhinaca kale koox is uruursatay oo lagu magacaabo Puntland Focus oo fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa sheegay in gebi ahaanba uu fashil ku dhamaaday safarka Xasan Kheyre ee Puntland, waxa ay sheegeen in uu dhibaato shacab yahay safarkaasi. Xubnaha warka soo saaray ayaa u dhignaa sidan.
Xubnaha Puntland Focus Group ee ceebeeyay ra’iisul wasaaraha federaalka isla markaana fashil ku tilmaamay booqashada Kheyre ee Puntland:
Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley
HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<
Hutumatka Puntland Waa Inaan La Hor istaginMadaxda Federalku ay Dhagaxdhigaan Sissidii Tan Hobyo Loo Dhagax Dhigay Qarashkana Ay Bixisaa Dawlada Federalka ah Was Wajib Saaran Haday Diidaana Waxaa Cadanaysa Inay Madax Dhagar Wada At Yihiin
Hutumatka Puntland Waa Inaan La Hor istaginMadaxda Federalku ay Dhagaxdhigaan Sissidii Tan Hobyo Loo Dhagax Dhigay Qarashkana Ay Bixisaa Dawlada Federalka ah Was Wajib Saaran Haday Diidaana Waxaa Cadanaysa Inay Madax Dhagar Wada At Yihiin