DEG DEG: Qarax markii ugu horeysay Ka Dhacay Buuhoodle Iyo Mas’uuliyiin Khaatumo ka tirsanaa Oo lagu dilay | Afrikada

DEG DEG: Qarax markii ugu horeysay Ka Dhacay Buuhoodle Iyo Mas’uuliyiin Khaatumo ka tirsanaa Oo lagu dilay

Afrikada, Buuhoodle:  Warar naxdin leh ayaa ka imaanaya magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool.

Waxaa gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey la hordhigay masaajid ay dadku ku tukanayeen halkaasi oo qarax weyn uu ka dhacay iyadoo dadkii masaajidku ay halmar hoobteen.

Wararka ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhimatay halka 50 kalena dhaawac ka soo gaaray kadib markii Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Khaatumo oo u abaabulnaa qaab qabiil ay ku dirireen Magaalada Buuhoodle.

Dirirta markii la joojiyey oo la kala dhex galay ayaa qaraxani uu meesha ka dhacay, walow aysan jirin cid sheegtay qaraxani, waxaana warbaahintu xaqiijisay in uu yahay kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaaladaasi.

Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa ah nooca NOHA, waxaana goobta ku geeriyooday siyaasiyiin, mashaa’iq iyo akhyaar kale oo ka tirsanaa jameecada masjidka ku tukaneysay.

Weriyayaal ku sugan magaaladaasi ayaa ku soo waramaya in uu dhintay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Khaatumo Ahmed Maxamuud Doolaal, waxaa kale oo dhintay Dhegcas Cismaan baxnaan iyo Cabdifataax Maxamed Cali ( Ina Root-man ) oo la taliye u soo noqday R/wasaare Cumar C/rashiid. Dadkani oo dhammaantood mas’uuliyiin ahaa.

READ MORE:  UN Monitoring Group: "Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa" WARBIXIN SANADEED.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmeen mas’uuliyiin hore uga tirsanaa xukuumaddiihii hore ee Soomaaliya.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay magaalada Buuhoodle.

 

 

 

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->