Wasiir Oomaar Oo ka hadlay Xariga Garoonka Aadan Cadde loogu geystay G/Rugta Ganacsiga Jubaland | Afrikada

Wasiir Oomaar Oo ka hadlay Xariga Garoonka Aadan Cadde loogu geystay G/Rugta Ganacsiga Jubaland

Afrikada, Muqdisho:    Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi.

Wasiir Oomaar ayaa beeniyey in garoonka Aadan cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland, waxaa uu wasiirku xusay in uu jiray oo kaliya muran dhexmaray ciidamada amaanka iyo mas’uulkan kaasoo ku saleysnaa baasaboor diblomaasi ah oo uu watay, haatana la xaliyey.

Dhinaca kale, gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi ayaa isna sheegay inuu ku sugan yahay Garoonka Aaden cadde uuna xoryahay, waxaana uu been abuur ku tilmaayay wararka sheegay in la xiray.

“Ciidamada amniga ayaa markii aan ka soo degay garoonka dayuurada iga qaaday baasaboor diblomaasi ah oo aan watay, iyagoo ii sheegay inaan la imaado warqadii cadeyneysay qaabka la igu siiyey baasaboorka, muran dheer ka dib wasiiro ayaa na soo dhex galay, haatana waa la xaliyey arintaas” ayaa uu yiri Shaafi Raabi.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray
- Apr 11, 2019
Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga ...
Banaanbaxayaasha Suudaan oo codsaday in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah
- Apr 9, 2019
Afrikada, Muqdisho: Banaanbaxayaasha wadanka Suudaan ayaa Isniintii ka codsaday ciidamada wadankaasi in ay soo ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->