DHAGEYSO:M/weyne Gaas Oo Dhagax-Dhigay Dekadda Garacad Iyo Ergooyinka Oo isku diyaarinaya | Afrikada

DHAGEYSO:M/weyne Gaas Oo Dhagax-Dhigay Dekadda Garacad Iyo Ergooyinka Oo isku diyaarinaya

Afrikada, Puntland:   Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigey deked cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dhagax dhigida dekaddan oo hore loo qorsheeyay inuu si rasmi ah u dhagax dhigo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saacadihii ugu dambeeyay uu ka baaqsaday ra’iisul wasaaruhu in uu dhagax dhigo isaga oo ku wareejiyey madaxweynaha Puntland.

Dr. Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida dadka ku nool gobolka Mudug qeybta Puntland.

Horey ayaa dekadaasi loo dayactiray waxaana ka qeybqaadatay Shirkad Turki ah oo lagu magacaabo TTN taasi oo qaadatay fulinta iyo dhisida dekeda Garacad.

Dekadda Garacad ayaa iyadu kaabiga ku heysa dekadda Hobyo waxaana Dayactirkii ugu horeeyay ee dekadda Garacad ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlada federaalka Soomaliya, Dowlada Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Isimo iyo waxgarad kuwaasi oo goobta ka sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in Garacad la geeyo qalab casri ah oo howsha lagu bilaabay.

READ MORE:  DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale sheegay in dhowaan loo raadin doono dhismaha dekeda maalgelin iyadoo deegankana laga hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Puntland ayaa beri u dabaaldegaysa maalintii la aasaasay dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale soconaya tartan xoog leh oo maamul goboleedyada dalku uu mid waliba kan kale ka dekado badsanayo iyadoo waxtarka dekadaha ay yihiin kuwo muhiim ah.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->