DAAWO: Sidee XISBIYADA Siyaasadda Isugu Diyaarinayaan Doorashooyinka 2020 Ee Dalka?

Afrikada, Muqdisho:   Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa isku diyaarinaya in sanadka 2020 ay qabtaan doorasho qof iyo cod, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan xisbiyada Siyaasadda.

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa dhankiisa hadal uu ka jeediyay madasha ka sheegay in ay faa’iido weyn iyagu u tahay in ay ka faa’iideystaan waxbarashada xisbiyada u socota.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo war halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii khibrad iyo waayo aragnimo dhanka dhismaha xisbiyada ah loo gaari lahaa.  Mar uu wareysi siiyey warbaahinta ayaa uu ku sheegay in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xili dhow furan doonto Xisbi weyn oo ka qayb qaadan doona doorashada la qorsheynayo inay Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020-ka.

Mahdi Guuleed ayaa ku booriyey madaxda xisbiyada ee raba in ay doorashooyinka dalka ka qeybqaataan in looga baahan yahay in ay wax weyn ka fahmaan habka doorashooyinka madaxa banaan, sidaasi darteedna tababarkan iyagu quseeynayo.

READ MORE:  MAREYKANKA: "Dowladda Soomaalida waxaa ka buuxa Kooxaha Al-Qaacida..!"


“Waxaa laga dhawaajiyay in dowladdu ama Xukuumaddu Xisbi furato, Waxaan soo wadnaa Xisbi weyn oo ah xisbiga xisbiyada oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu hoggaamin doonaa Siyaasaddii Guushii 8 February, marka hala iska jiro, yaan la idin gaadin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa isku diyaarinaya in sanadka 2020 ay qabtaan doorasho qof iyo cod, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan xisbiyada Siyaasadda.

Madasha ayaa waxaa ka hadlay madax ka kala socotey xisbiyada ilaa haatan dhisan ee doonaya inay doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya ay iyagu u tartamaan 2020-ka.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->