DAAWO SAWIRADA: RW Khayre oo Kormeer kadib U kuurgalay Sida ay u shaqeeyaan Wasaaradaha Puntland, Amaanay shaqadooda.. | Afrikada

DAAWO SAWIRADA: RW Khayre oo Kormeer kadib U kuurgalay Sida ay u shaqeeyaan Wasaaradaha Puntland, Amaanay shaqadooda..

Afrikada, Puntland:    Ra’isul Wasaaraha dowladda Federaalka Xasan Cali khayre oo Booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta ka qaybgalay Bandhiga xogta Diiwaangelinta dadweynaha oo Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland ay ka waday xaafadaha 1-da Augost iyo Halgan ee Garoowe.

Ra’isul wasaaraha oo uu weheliyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade iyo agaasimaha guud Maxamed Cali Nuur Jubba, iyadoo ra’isul Wasaaruhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee ka kooban tahay wasaaradu

“Waxa kal oo Raysal wasaaruhu booqday xarunta Kaydka macluumaadka (MOI resource Center) halkaas oo uu ka daalacday shuruucda, siyaasadaha, Strategiyadaha iyo Hananka (frame-works) ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland u adeegsato hawl socodsiinta iyo gudashada waajibaadka Dastuuriga” sidaas waxaa yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba.

Ra’isul Wasaare khayre ayaa boggaadiyay horumarka iyo howlaha baaxada weyn ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay wado, waxaana uu ku booriyay wasaaradaha kale ee maamul goboleedyada inay ka bartaan.

READ MORE:  XASAASI:Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Ku Gacan Seyray dalabka Farmaajo Ee ah In Itoobiya la isku dhiibo

SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->