DAAWO SAWIRADA: Dowladda Oo Maxkamadeeysay DAACISH ka kala timid Suuriya iyo Ruushka | Afrikada

DAAWO SAWIRADA: Dowladda Oo Maxkamadeeysay DAACISH ka kala timid Suuriya iyo Ruushka

Afrikada, Muqdisho:    Sida lagu faafiyey warbaahinta qaranka Soomaaliyeed waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu maxkamadeeyay rag magacyadooda lagu kala sheegay Mahad Max’ud Cabdi oo magacyadiisa afgarashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno (Dr,raage) ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria, isagoo ugu dambeyn ku biiray kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish ayuu go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale, wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda daacish taasi uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

READ MORE:  Shirkadda Albayrak Oo Shaacisay In Ay Bishii $10 Milyan Ka soo Saaraan Dekadda Muqdisho.

Hugaan xumida hugaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame oo magiciisa afgarashada yahay (Dr,raage) ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda sidoo kale ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu isticmaali jiray lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in aysan wakiiladooda diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

READ MORE:  DAAWO:Generaal Nuux Taani Oo hanjabaad Kulul U diray R/Wasaare ku xigeenka Kheyre "Mahdiyow Mar Unbaad Meeshaad ku dhalatay ku soo Laaban doontaa"

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona lahayn.

SNTV

SAWIRADA MAXKAMADEYNTA:

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->