Boqor Salman Bin C/Casiis Oo lacagta ka bixin doonaa tiro dhan 1500 Xujey ah Sanadkan | Afrikada

Boqor Salman Bin C/Casiis Oo lacagta ka bixin doonaa tiro dhan 1500 Xujey ah Sanadkan

Afrikada, Riyaadh:    Boqortooyada wadanka Sacuudi Carabiya ayaa kifaalo qaaday xujey gaareysa 1500 xujey ah kuwaasi oo boqorku bixin doono kharashka uga baxaya safarkooda iyo dhammaan gudashada xajka.

U adeegaha Labada Xaram ee shariifka ah, Boqor Salman Bin C/Casiis, ayaa soo saaray ammar Boqortooyo oo Sanadkan 1439 Hijriyada Islaamka uu ku martigelinayo isla maarkaana ku kafaala qaadayo kharashka Xaajka 1500 Xaji oo ka mid ah shuhaddada Ciidamada Qaranka Yeman iyo kuwa dalka Sudan ee ka qeyb qaadanaya dagaalka rajo soo celinta Yeman .

Wasiirka wadanka Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Islaamka, Dacwada iyo hanuuninta, isla maarkana ah mas’uulka arrimaha martigelinta Xajka ee Sanaadkan Dr. Abdulladiif bin C/casiis ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga uu il gaar ah ku eegay shuhudadaasi Yeman iyo Sudan oo uu sheegay inay Naftooda u hureen midnimada Dalka Yeman iyo nabadgelyada Shacabka Dalkaasi ,sidaa darteedna ay mudan yihiin in lagu abaalmariyo Xafka Sanadkan.

Wasiirka ayaa isagu cadeeyay in ay wasaaraddiisu ay mar waliba u taagan tahay fulinta awaamiirta Boqorka, habsami u fulinta barnaamijka Xajka ee Sakandan iyo sidii Xujeyda ay u heli lahaayeen wax kasta oo u suurta gelinaya gudashada Xajkooda.

READ MORE:  DEG DEG: Uhuru Kenyatta Oo ka hadlay Waqtiga ay Ciidammadiisa KDF Ka Baxayaan Soomaaliya?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->