Banaanbax lagu diidan yahay Madaxweynaha DDSI oo ka dhacay magaalada Raaso | Afrikada

Banaanbax lagu diidan yahay Madaxweynaha DDSI oo ka dhacay magaalada Raaso

Afrikada, Raaso:   Wararka inaga soo gaaraya dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dadweyne fara badan ay isugu soo baxeen fagaare weyn oo ku yaal magaalada Raaso.

Dadkani oo aad u careysan ayaa la sheegay in ay ku banaanbaxeen Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar “Cabdi Iley.”

Dadkan banaanbaxayay ayaa si weyn uga soo horjeeday hanaanka Madaxweynaha uu u wado isbedelo uu ku sameynayo degaano ka mid ah dhulka ay degan yihiin Soomaalida.

Dadkan ayaa la sheegay inay jabiyeen xafiisyo Raaso ay ku leeyihiin ismaamulka Soomaalida, waxaana ciidanka Booliska ay ku fureen rasaas, taasi oo keentay in laba ruux oo ka mid ahaa dadkii banaanbaxa dhigayay ay ku dhaawacmeen.

Shacabka Banaanbaxa dhigay ayaa waxa ay ka caroodeen degmooyin cusub oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Ismamulka iyo in aanay helin saamigii ay ku lahaayeen maamulka.

Odayaasha Raaso ayaa sheegay in aysan marnaba qeyb ka aheyn duulaanka dadka Oromada ah ee ka socda dhulkaasi, waxa ayna sheegeen in arintan looga baahan yahay in Madaxweynaha uu talaabooyin qaado.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa degaannada Soomaalida Itoobiya ka jirey cadaadis fara badan oo la xiriira siyaasadda maamulka degaannadaasi.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray
- Apr 11, 2019
Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga ...
Banaanbaxayaasha Suudaan oo codsaday in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah
- Apr 9, 2019
Afrikada, Muqdisho: Banaanbaxayaasha wadanka Suudaan ayaa Isniintii ka codsaday ciidamada wadankaasi in ay soo ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->