DHAGEYSO: Ugaas ka mid ah Issimada Puntland Oo sheegay in la isir guurinayo Soomaalida Kililka Itoobiya | Afrikada

DHAGEYSO: Ugaas ka mid ah Issimada Puntland Oo sheegay in la isir guurinayo Soomaalida Kililka Itoobiya

Afrikada, Puntland:   Ugaas Cabdisalaan Jaamac Faarax oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa ka Hadlay dagaalka ka taagan Xadka Soomalida iyo Oromada ee dalka Ethiopia.

Ugaaska ayaa ugu baaqay maamulka Dowlad Degaanka Soomaaliya Itoobiya ee DDSI in ay arrintaas Hoos u Fiirshaan Xaqiiqdana ka sheegaan dhibta Halkaa ka jirta.

Ugaas ayaa sheegay in la isir guurinayo Umad dhan oo Halkaas dagan waa sida u hadalka u dhigaye wuxuu baaq u diray inta Afka Soomaliga ku hadasha in ay Arrintaan u ka qabtaan wax alla wixii ay ka qaban karaan.

Ugaaska ayaa baaq rasmi ah oo uu u diray maamulka degaanka Soomaalida ku sheegay in deg deg wax looga qabto Soomaalida la Isir tirayo ee laga kicinayo dhulkooda.

Beesha Geri ayaa uu Ugaasku sheegay in maanta ay u baahan yihiin garab si looga difaaco Oromada soo weerareysa ee iyadu aad uga xoog badan bulshadaasi.

Ugaas Cabdisalaan Jaamac Faarax ayaa ku dhiirigeliyay Soomaaliweyn ugu baaqay in bulshooyinka Soomaalida ah garab la siiyo xilli dhulkoodii laga soo ceyrinayo ama xasuuq baahsan loo geysanayo.

READ MORE:  LIVE:Tartanka Koobka Kubadda Cagta Ee 2018 Oo Moscow ka furmay

Waqtigan ayaa weliba ku aadan xilli aysan Oromadu cabsaneynin oo ay dowladnimadii wadankaasi Itoobiya gacanta ku dhigeen iyadoo madaxweynahooda Abiy Ahmed uusan wax tillaabooyin ah oo la taaban karo uusan weli ka qaadin gaboodfalka ka dhacaya magaalooyinka ku yaal xuduudaha gobolka Soomaali-Galbeed. Dhanka kale madaxweynaha kilinka 5-aad mudane Cabdi Iley ayaa loogu baaqay in uu wax ka qabto IIssir sifeynta lagu hayo beelaha dega dhulkaasi oo guryahoodii laga soo saarayo.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->