Subscribe

DHAGEYSO: Gudoomiyaha Shabeellada Hoose Oo ka hadlay Weerar Maanta ka dhacay Baraawe

Afrikada, Baraawe:    Weeraro culus oo maanta ka dhacay magaalada Baraawe ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahino ku aadan sida wax u dhaceen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo u waramayey idaacadaha dalka ayaa sheegay in weerar madaafiicda goobta ahi ay soo qaadeen kooxaha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay ku dhinteen labo qof oo kala ah Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo qof kale oo Shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa Goob Maqaayad ah Waxa uu sheegay in madfacu uu ahaa mid nooca hoobiyaha ah.

Sarkaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in madaafiicdaasi uu ruux kale oo shacab ah uu ku dhawaacmay, kaas oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada Baraawe.

Degaanka Ambareeso oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe ee iyadu ah xarunta rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in kooxaha Al-Shabaab ay arkeen diyaarado saad ciidan u dejinaya ciidammada AMISOM ee ka howlgala magaaladaasi, waxaana ay kolkaasi bilaabeen in ay duqeymo ku harqiyaan diyaarada goobta ku degaysay.

READ  Mareykanka Oo safiir cusub U soo magacaabay dalka Soomaaliya

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: