DAAWO: Qalbi-Dhagax Oo ka Khudbad Uu Xalay jeediyay kaga ilmeysiiyay Taageerayaasha ONLF ee Nairobi | Afrikada

DAAWO: Qalbi-Dhagax Oo ka Khudbad Uu Xalay jeediyay kaga ilmeysiiyay Taageerayaasha ONLF ee Nairobi

Afrikada, Nairobi:¬† ¬†Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer ‘Qalbi Dhagax’ oo dhowaan dowladda Itoobiya ay ka sii daysay xabsiga Jeel-Ogaadeen ayaa waxaa uu xalay khudbad ka jeediyay hoteel ku yaal magaalada Nairobi.

Goobta kulanku ka dhacayey ayaa waxaa isugu soo ururay dadweyne fara badan oo ay ka mid ahaayeen cuqaal, dhallinyar0, indheergarad, iyo haween iyo odayaal ka kala socday bulshada ku dhaqan Kenya.

Halgame Qalbi-Dhagax ayaa ka hadlay xoreyn uu ururkiisu ka geystay degaanno fara badan oo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed.

Halgame Qalbi-Dhagax ayaa sidoo kale ka sheekeeyay halgamadii ay jabhaddu la gashay dowladda Itoobiya isaga oo ka hadlay arrimo badan oo qiiro badan geliyay dadkii meesha isugu yimid.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa isagu ka tirsanaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray
- Apr 11, 2019
Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga ...
Banaanbaxayaasha Suudaan oo codsaday in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah
- Apr 9, 2019
Afrikada, Muqdisho: Banaanbaxayaasha wadanka Suudaan ayaa Isniintii ka codsaday ciidamada wadankaasi in ay soo ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->