AKHRISO:Wadahadalladii M/weyne Farmaajo Iyo Afwerki?+Iskaashi 2-da Dhinac iyo Heshiis | Afrikada

AKHRISO:Wadahadalladii M/weyne Farmaajo Iyo Afwerki?+Iskaashi 2-da Dhinac iyo Heshiis

Afrikada, Asmara:    Waxaa Eritrea booqasho ku jooga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxaa dhacay wadahadallo la isku iftiimiyey sida gobolka wax uga dhacayaan mudane Isaias Afwerki ayaa Farmaajo kala sheekaysatay dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

M/weyneyaasha Soomaali iyo Eritrea, C/laahi Farmaajo iyo Esias Afewerki

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay madaxtooyada dalkaas ayaa si qot adheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

READ MORE:  DHAGEYSO: Xaaladda Baydhabo Oo Caawa Aad U Kacsan Iyo LEGDIMO iyo JILAAFOOYIN Siyaasadeed Oo hareeyay Doorashooyinka K/Galbeed?

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa u arka arrinkan in uu yahay mid diblumaasiyadda gobolka wax weyn u soo siyaadinaya, xilli ay Eritrea dooneyso inay balaariso xiriirka gobolka oo uusan heshiikeedu ku ekaanin oo keliya midkii ay Itoobiya wada galeen.

Dhanka kale, waxaa arrinta heshiiska Eritrea iyo Soomaaliya uu yahay mid siyaasad furfuran ay labada wadan muujiyeen.

Mar uu hadlayey wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu tilmaamay in booqashadda madaxweyne Farmaajo ee dalka Ereteriya ay irdaha u furi doonto in dhowaan Ereteriya iyo Soomaaliya ay isdhaafsan doonaan Safaaradahooda Muqdisho iyo Asamara.

READ MORE:  DAAWO:Itoobiya Oo Shidaalkii ay ka heshay Ogadeniya U Iibgeynaysa Dibadda????

Eritrea oo ah mid ka mid ah xulufada Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in M/weyne Maxamed C/laahi uu la heshiiyo dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo Esias Afwerki uu muujiyey in uu doonayo in la xaliyo Khilaafka Imaaraadka kala dhaxeeya Soomaaliya.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->