Taliyaha Ciidammada Iiraan Oo Ka jawaabay Hadal uu Jeediyay Trump

Taliyaha ciidammada gaarka ah ee Iiraan ayaa madaxweyne Trump uga digay in haddii Maraykanku uu weeraro Iiran “ay markaas burburin doonaan waxay isla hayaanba.

Sareeye Gaas Qassem Soleimani ayaa wacad ku maray in haddii Trump uu dagaal billaabo ay dhamaystiri doonto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tasnim ee dalka Iiraan.

Arintan ayaa dabo socota Twitterkii xuruufta waawayn lagu soo wada qoray ee Trump uu madaxweynaha Iiraan ugaga digayay in uusan waligii oo dambe u goodiyin Maraykanka.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay 2015kii.

Sareeye Gaas Soleimani oo ah hoggaamiyaha ciidammada Qudus ee dalka Iiraan ayaa laga soo xigtay Khamiistii isaga oo leh “ka askari ahaan, waa waajibaadkayga in aan ka jawaabo waxa dhankaaga ka imanaya.

Ila hadal aniga, ee hala hadlin madaxweynaha [Xasan Raqxaani]. Sumcad ahaanna ma aha in uu madaxweynahanagu kula hadlo.

READ MORE:  Shirkadda Albayrak Oo Shaacisay In Ay Bishii $10 Milyan Ka soo Saaraan Dekadda Muqdisho.

“Diyaar baan nahay, waliba si aadan malaysan karin. Kaalay diyaar baan kuu nehehee.

“Haddaad dagaal billawdo, waan dhamaystiraynaa. Ma og tahay in dagaalkaas uu burburin doono waxaad leedihiin oo dhan.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in Madaxweynaha Maraykanku uu adeegsanayo luuqadda lagu adeegsado baararka habeenkii iyo goobaha khamaarka lagu ciyaaro.

Axaddii ayuu Trump Twitterka soo dhigay goodin uu u diray madaxweynaha Iiraan, balse labo maalmood ka dib isaga oo la hadlaya askartii hore ee Maraykanka ayuu sheegay in Maraykanku uu doonayo in uu heshiis dhab ah la gaaro Iiraan”.

Twitterka carada ah ee Trump ayaa jawaab u ahaa digniin uu madaxweynaha Iiraan u diray Maraykanka.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->