Subscribe

Saameynta Dayax-Madoobaadka iyo Waxyaalaha laga aaminsan yahay (Meelaha Caalamka laga arki karo D.M)

Afrikada, Muqdisho:    Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u aaminsan in Dayax-Madoobaadku leeyahay isbedello dhanka bani’aadamka lagu arko. Waxaa la yiri waagii hore ayaa aad arrinkan loo isticmaali jirey meelaha qaar caalamkana waa lagu arkaa dhaqankaani maanta ilaa iyo waqtigan.

Cirbixiyeenka Mareykanka ee NASA iyagu ma aaminsana dhaqamadan sheegaya in uu Dayaxa Madoobaadku bani’aadamka ku leeyhay saameyn buuxda.

Waxaa dadka aaminsan ‘Ku tiri Ku teenta’ ama wax sheegu ay sheegaan in haddii Dayax-Madoobaad (Lunar Eclipse) uu dhaco boqollaal sano kadib ay soo baxayaan macneyaal kala duwan kuwaasi oo bedelaya wixii hore u jiri jirey, waxaa kala oo la yiri waxa isbedellada keenaya ayaa ah isbedelka ku dhacaya dunida kaasi oo inagana saameyn inagu leh, oo aadmiguna uu la imaanayo ujedooyin iyo sababo kale.

Tusaale: Markii Dayax Madoobaadkii ugu dambeeyay uu dhacay bishii Juun ee aynu soo dhaafnay dhacdooyin waaweyn ayaa isbedelay, dad badanna waxa ay dareemeen isbedelka. Dhanka fekerka iyo mabaadi’da ayaa sidoo kale isbedelaysa mar haddii maskaxdu isbedeshana waxaa isbedelaya dabeecadda guud aadmiga.

Waxyaalahani la aaminsan yahay Dayax Madoobaad uu dhaco marka Dayaxii oo iftiinkiisu buuxay uu la kulmo hooska Dhulka isaga oo Dayaxu markaas waayo qorraxdii iftiimineysay.

Dayax Madoobaadku macnihiisu waa iftiinkii oo ka yaraaday Dayaxa, maadaama iftiinkaas uu ka heli jirey qorraxdana uu dhulku ka qariyey markani. Saynisyahannada ayaa Jimcaha saadaal xun bixinaya iyaga oo sheegaya in dhul-gariir xoog badan oo dhan xajmigiisu dhan yahay 7 magnitude uu saameyn karo caalamka oo dhan, isbedellada awgood.

READ  DAAWO: 550 Milyan Yurub Siineyso Dowladda federaalka Soomaaliya+Balanqaadyo Dheeraad ah Oo kale

Waxa ay dhacdaa dhif iyo mar, Dadku siyaabo kala duwan ayey u arkayaan waxaana ay ku xiran tahay gobolka uu qofku ka joogo dhulka korkiisa, sida shaxda hoose ka muuqata.

Jaantuska kore waxaa uu dhigayaa gobollada laga arki karo Dayax Madoobaadka . Waxaana qofka Jihada Bari (Eastern Hemisphere) uu yahay qofkaasi kan sida tooska uu u saameyn doono ama u daawan doona si fasiix ah.

Xoolaha Duur-Joogta iyo Dayax Madoobaadka:

Waxaa la ogaaday in xooluhu gaar ahaan kuwa Duur-joogtu la soo baxaan dhaqammo la yaab leh xilliga uu dhacayo Dayax-Madoobaadka. Xayawaanka Fiide-meerta ayaa or-orod u gasha in ay howlaheeda qaraabasho ay dhameysato inta aanu Dayaxu ku madoobaan kolkaasi oo ay hoygooda ku cararaan maadaama aaney indhaha waxba uga jeedin. Waxa ay dareemaan in isbedel dhanka iftiinka ah uu jiro. Kaneecada ayaa iyadana la sheega in ay hesho firaaqo ama fasax howleed, tani oo badankiis waqtigaasi uu dhaqdhaqaaqeeda soo koobmo. Xayawaanka uu ka mid yahay Eeyga ayaa isagu lagu arkay Qeyli badan xilliga Dayax Madoobaadku dhacayo.

Daayeerka Guumeyska ah.

Odoras ay jaamacadda Pennsylvania ku sameeysay ‘Daayeerka Gumeys-ka ah’ sanadkii 2010-kii waxa lagu ogaaday in daayeerka codkiisu uu bedelay intii uu dhacayey Dayax-madoobaadka, Cili Baaristan ayaa soo jeedinaysa in arrintan ay ugu wacneynay Dayaxa oo hadba midbkiisa nooc ama xadigiisa iftiin uu isa sii bedelayey, taasi oo isna daayeerka guumeyska ah uu isna isbedello sameynayey.

READ  Al-Fanaan Axmed Naaji Sacad Oo lagu soo dhoweeyay Toronto, Kanada. (SAWIRRO)

Dadka bani’aadamka ah iyo Dayax-madoobaadka:

Iyadoo Saynisku uusan cadeynaynin in wax xiriir ah ka dhexeeyo aadmiga iyo Dayax-Madoobaadka, waxaa la aaminsan yahay in sababaha Dayax Madoobaadka uu wax weyn ka bedelo isbedellada nolosha aadmiga soo wajahayey tan iyo taariikhdii jiritaanka aadmiga.

Madoobaad soo wajaha Qorraxda ama Dayaxa ayaa caadiyan waxa dad badan ay u arkaan in ay tahay mucjiso ama jahawareer abuurka Eebbe. Dad badan oo cawaan ah ama heysta dhaqammo kala gedisan ayaa isbedela iyaga oo kala orord iyo qeyli isku dara xilliga wax dhacayaan, sidoo kale waxa ay isku uruursadaan qoys qoys iyaga oo is-weheshada, si iskula qeybsadaan wixii soo wajaha.

Qaar ka mid ah Quruumihii hore waxa ay aaminsanaayeen in isbedel qarniyeedkani uu yahay Digniin sheegaysa in waxa u muuqda ay ’tilmaan xun ay tahay’ ama ‘evil omens ‘ iyaga oo sameeya gowrac badan isla markaasina asnaamtii ay caabudi jireen iyo ilaahyadooda ayey baryi jireen, iyagoo aaminsan in ilaahoodu u caroonayo.

Marka la eego dhanka, Diinta Islaamka dadka muslimiinta ah ayaa ogsoon in qadar Eebbe ay wax kasta ku dhacaan. Halka Kirishtanku ku qeylo dhaamiyaan in ay ka dhalatay dhibaatooyinka aadanaha ay sameeyaan, ama camaladooda xun xun. Si kastaba diimaha “Ibraahimiga’ ayaa siyaabo isku dhow u fasira sida wax u dhacayaan.

Saadaashii Christopher Columbus, ee Dayax-Madoobaadka:

Waxaa jira waxyaalo ay ka siman yihiin cirbixiyeenka iyo Bad-mareenka. Waxaa la sheegay in bani’aadamku uu yahay xayawaan caqli badan leh. Waxaana la sheegaa in iftiinka Dayaxu uu macno weyn ugu fadhiyo bani’aadamka iyo noolaha oo idil.

READ  AKHRISO:Dowladda Soomaaliya Oo ku rafaadsan Sidii ay AMISOM ugala Wareegi laheyd Xeryaha Milleteriga

Dayaxa ayaa kaalin weyn ka ciyaaray taariikhda isbedelka bani’aadamka, sida lagu soo waramay waxaa uu caawiyey in bani’aadamku ay helaan Qaaradda maanta lagu magacaabo Ameerika.

Sheekooyinkani oo ah kuwo qadiimi ah oo ka soo bilaabanaya sanadkii 1504-tii, xilligaasi oo Bad-Mareenkii Columbus iyo raggii uu watey lagu hareereeyay jasiiradda aynu maanta ugu yeerno Jamaica. Xitaa inkastoo dadkii meesha loogu tagey ee la oran jirey ‘Arawak’ ay quudinayeen Columbus iyo kooxdiisa, hadana waxaa dhacday abaar iyo cunno yar halkaasi waxaa dadkii cawaanta ahaa ee reer Arawak ay cuntada ka gooyeen Columbus iyo kooxdiisii, waxaana Columbus uu u sheegay boqorkii Arawakiyiinta in uu quudiyo kooxda uu u xabisneyn markaa, waxaana Columbus uu waqtigaas u sheegay boqorka in Dayaxu madoobaanayo haddii ay sii wadaan in ay ciqaabaan kooxda bad-mareenka ah oo cuntada ay u diidaan, maalmaha soo socda.

Si dhab ahse, waxaa dhacday in Dayaxii Habeenkaasi uu madoobaaday, dadkii cawaanta ahaa ee Arawakiyiinta ayaa ka aqbalay in ay Columbus iyo ciidankiisa siiyaan cuntada ay rabaan.

Arrimahan taariikhda dhacay ayaa baaritaano badan oo lagu sameeyay lagu ogaaday in markii Ameerika la helay gu’gii 1504-tii ay ku beegnayd markii uu Bad-Mareenkii Columbus saadaaliyey in uu Dayax Madoobaad soo socdo, weli lama oga waxyaalo badan oo arrintaasi ku saabsan. Waxaana ay noqotay sheeko ama qiso lagu sheekaysto maadaama Columbus lagu dilay dhulkaasi.

 

 

 

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: