Qaadashada Viisayaasha Xajka Ee Sacuudi Caraabiya Oo la bilaabay | Afrikada

Qaadashada Viisayaasha Xajka Ee Sacuudi Caraabiya Oo la bilaabay

Afrikada, Muqdisho:   Waxaa si rasmi ah loo bilaabay bixinta Dal-Ku Galka (Visas) lagu aadayo wadanka boqortooyada Sacuudiga.

War ay si toos ah u soo saartay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan uu diyaar yahay viisaha lagu aadayo xajka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay xilliga la qaadan karo viisaha Sacuudiga oo ah Toddobaadka soo socda goortaasi oo ay wasaaraddu Xujeyda safraya u bilaabeyso nidaamka waraaqaha Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka mudane C/xakiin Xasan Ibraahim (Ashkir) ayaa warbaahinta ku hadasha codka dowladda u faahfaahiyey in waqti xaadirkan ay wasaaraddu gudaneyso waajibaadkeeda ah sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa waraaqahooda sannadka.

Waxa kale oo uu Cabdi-Xakiin tilmaamay in uusan haatan jirin wax caqabad ah oo arrimaha Xajka ku saabsan laguna guuleystay in laga gudbo dhibaatooyinkii hore looga ashtakoonayey, isaga oo sheegay i shirkadihii howlgalayey la kordhiyey oo ay hadda yihiin 5 shirkadood oo loo idmaday in ay howsha fududeeyaan.

READ MORE:  Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->