DAAWO:Dagaal culus oo Goor Dhoweyd ka qarxay Tukaraq+Dhimasho Iyo Dhaawac kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland

Afrikada, Tukaraq:    Warar aynu ka helayno degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Somaliland oo weli isku hor fadhiya forimaha hore ee dagaalka degaankaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaawacyo iyo dhimasho ay jirto iyadoo labada dhinac ay is-duqeynayaan iyaga oo adeegsanaya madaafiicda ridada dhexe. Dagaalkii maanta ayaa ka dhashay kadib markii ciidammada Puntland ay hore ugu sikadeen forimaha ay fadhiyaan ciidamada Somaliland, taas oo sababtay in dagaalku sii cuslaado.

Hugunka madaafiicda ayaa weli la maqlayaa waxaana TUKARAQ dhowr dhinac ka hareereeyay ciidanka Puntland oo ku garaacaya madaafiicda goobta.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Dhanka kale weli ma ay jiraan dadaallo lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac, tani iyo intii uu ergayga Qaramada Midoobey halkaasi tegayna ma jiraan mas’uuliyiin kale oo soo faro geliyay arrinta Tukaraq.

READ MORE:  DAAWO Ethiopia Oo ku Dhawaaqday in VISA ON ARRIVAL ay Ku Soo Geli karaan Dhammaan Dadka ka imaanaya Wadammada Afrika?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->