DAAWO: Sheekh Xasaan Oo Si Xun U Weeraray Madaxweynaha Turkiga yirina: “Soomaaliyay ERDOGAN Waa GAAL Ee Iska Ilaaliya”

Afrikada, Nairobi:  Sheekh Xasaan Xuseen oo mar mar sida uu u wacdinayo uu arrimo xasaasi ah soo hadal qaado ayaa waxaa uu ka yaabiyay dad badan.

Xasaan ayaa hadda ka hor maxkamad Kenya ahi damaanad ku sii deysay kadib markii gurigiisa, sida saraakiishu tilmaameen, laga helay walxaha Qarxa iyo rasaas. Kolkaasi oo Kenya ay ka jireen mowjado looga so horjeeday kooxaha Al-Shabaab.

Xilligaasi ayaa sheekha loo taxaabay xabsiga isaga oo lagu eedeeyay in uu taageeri jirey kooxaha argagixisada, balse hatan Xasaan ayaa si aad ah baraha bulshada mar qur ah u kiciyey kadib markii uu Kitaab uu akhrinayey uu ku soo daray “War Meel walba ha isaga dhicina ee iska Ilaaliya Ninka Rajab Tayyib Erdogan ah iyo gaalnimadiisa” intaa kadibna Soomaalida ayaa uu ku tilmaanay kuwo ku aafeysan Erdogan oo mar waliba u sacaba tuma.

Arrinkan ayaa dad badani uga soo jawaabeen si kulul, waxaana Sheeku hadalkiisa ku soo geba gebeeyay “Iska ilaaliya Gaalnimada Erdugaan, oo yuusan idiin dhuumanin’

READ MORE:  DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya

Si kastaba, madaxweynaha Turkiga ayaa isagu ah qof shisheeye ah oo dadkiisu gaalo iyo muslinba leeyihiin waxaana uu gurmad u sameeyay wadammo badan oo Falastiin, iyo kuwo kale oo badan. Erdogan ayaa sidoo kale markii ugu dambeyay la sheegay in uu la dirirayey Yuhuudda. Walow culumada Soomaalida ay intaasi oo dhan ku afgaran waayen hogaamiyahan madaxda ka ah Xisbiga Islaamiga Turkiga ee AKP.

Madaxweynaha Turkiga ayaa bisinka u qabtay mashaariicdii uu ka fulinayey markii ay ciidankiisu u soo gurmadeen Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Yurub Iyo Mareykanku uga baqaan si aad u weyn iyadoo difaacida wadammada Islaamka darteed loo ceebeeyo Erdogan, Isaga oo loollan kula jira dunida reer Galbeedka, dhacdooyinka dadku la socdaan waxaa ka mid ah ciyaaryahanka caanka ah ee Ozil oo dhowaan laga soo ceyriyey Jarmalka isaga oo loo soo cunsuriyadeeyay in uu Islaam yahay kadibna waxaa qaabilay Erdogan.

Sheekh Xasaan ayaa masaajid uu isagu maalgeliyo oo ku yaal Nairobi ee Xaafadaha Ushirika ka sheegay in “Erdogan la iska ilaaliyo gaalnimadiisa” sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu axdi ku maray in uu mar kale ka faaloon doono arrinkaasi.

READ MORE:  DEG DEG: Qarax khasaare nafeed Geystay Oo ka dhacay Muqdisho

HALKA HOOSE KA DAAWO HOGAAMIYAHA XISBIGA ISLAAMIGA AH EE ‘AKP’ EE WADANKA TURKIGA, M/WEYNE RECEP TAYIPP ERDOGAN OO QUR’AANKA KARIIMKA AH AKHRINAYA:

 

DAAWO SHEEKH XASAAN XUSEEN OO HORE SARAAKIISHA KENYA KU TILMAAMEEN IN UU YAHAY “AL-SHABAAB” OO U SHEEGAYA DAD UU KITAAB U AKHRINAYO “ERDOGAAN ISKA ILAALIYA GAALNIMADIISA” HADALKAN SHEEKHU CARABKIISA SOO MARIYEY OO DAD BADAN KA YAABIYEY. 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->