DAAWO: Ciidammada Millteriga Oo Dhegta Dhiiga U daray Horjooge Macallin Deerow iyo ilaaladiisii

Afrikada, Bakool:  Ciidammada milleteriga dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay fuliyeen waxa ay ku dileen sarkaal sare oo Ururka Al Shabaab ka tirsanaa iyo 3 nin oo ilaaladiisii ka mid aheyd.

Hawlgalkan millteri ayaa ka dhacay Deegaanka Lafaale ee duleedka Degmada Waajid, iyadoona ay fuliyeen Ciidanka Daraawiishta ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Macalin Deerow ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Sarkaalkii Shabaabka u qaabilsanaa go’doominta ay ku hayaan Degmada Waajid.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa tilmaamay in Ciidanka Daraawiishta ay sidoo kale gacanta ku dhigeen afar qori oo raggaasi ay haysteen.

Wasiirka oo ka waramayay qaabka ay Ciidanka Daraawiishta ugu suurtagashay inay dilaan Sarkaalkaasi iyo ilaaladiisii ayaa yiri “Ciidamada Daraawiishta waxay helayn xog ku saabsan ninkan la leeyahay Macalin Deerow, waxaana u suurtagashay inay ku weeraraan halkii uu ku sugnaa, iyagoo ku guuleystay inay dilaan isaga iyo saddex nin oo kale.”

Wasiirka ayaa yiri “Macalin Deerow waa ninkii ka dambeeyay gaadiid badan oo xamuul ah Al Shabaab ay gubtay, iyagoo qabtay gaadiidkaas xilli ay ku sii jeedeen Degmada Waajid, xalayna waajibkiisa ayay mariyeen Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.”

READ MORE:  GALMUDUG: "Dekadda Garacad Waxaa lagu FALISAYAA dekadda Hobyood, Waana Ujeeddo GURRACAN Oo nalagu DAGAYO..!

Wasiirku waxa uu intaa ku daray “Ciidamada waxaan ku bogaadinaya inay sii wadaan hawlgaladooda ka dhanka ah kooxaha nabadiidka, waxaana rabaa inaan xusuusiyo Shabaab ma fahmayaan luqad aan qori ahayn.”

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->