Subscribe

Koox hubeysan Oo Si gaadmo ah U dishay Askari ka tirsan ciidammada federaalka

Afrikada, Muqdisho:  Goobjooge ayaa u sheegay mid ka mid ah idaacaha Muqdisho in dabley ay rasaas ku furtay askari ka tirsan Ciidamada dowlada oo marayey inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ee caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askarigu uu goobta ku nafbaxay, kuwii dilayna ay goobta ka baxsadeen.

Ninka askariga ah ee la dilay ayaa isagu ka tirsanaa xooggagga ‘Munishiibiyo’ ee dowladda hoose.

Dableyda ayaa ku hubeysnaa bistoolado waxaana ay dhasiyo uga carareen meesha sida ay goobjoogeyaashu sheegeen.

Waxaa sida caadada ah goobta soo gaaray ee magaalada Muqdisho waxaana ay wareysteen dadkii goobta ku sugnaa, iyagoo aan cidina wax qabasho ah ku sameynin ayeyna iska tageen ciidanku.

Ma jiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo falkaasi dilka ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa haatan noqotay meel ay maalin walba askarta ciidanka lagu dilo, iyadoo la gaadayo isla markaasina meel xun lagu dhifanayo xitaa si uusan u dhaawacmin, meyd ahaan ayaana looga tagaa.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wiilkii kuleejada ku soo koray waa uu naf-jeclaysanayaa isaga oo aan aqoon ...
XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Warar hoose oo ina soo gaaraya ayaa sheegaya in hogaamiyaha Jubalan ...
DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??
- Aug 20, 2018
Afrikada, Tukaraq:     Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa sii xumaaneysa iyadoo faah faahino dheeraad ah ...
Jen. Caanood Oo War Cusub Shaaca ka Qaaday?
- Aug 20, 2018
Afrikada, Muqdisho: Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ahaa Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ...
Roobab Soo Dhoweeyay Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Taagan Banka Carafo
- Aug 20, 2018
Afrikada, Makkah: In ka badan saddex Malyuun oo xujey Muslimiin ah ayaa maanta u ...
%d bloggers like this: