Imran Khan oo ku guuleystay doorashada Madaxtinimo Ee dalka Pakistan | Afrikada

Imran Khan oo ku guuleystay doorashada Madaxtinimo Ee dalka Pakistan

Afrikada, Islamabad:   Hogaamiyaha xisbiga PTI Imran Khan ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashadii guud ee shalayo ka dhacday dalka Pakistan, waxaana uu helay kala bar codadkii ay shacabkii shalayto codeeyay ay dhiibteen.

Malaayiin qof oo u dhashay dalka Pakistan ayaa isugu soo baxay xarumaha codaynta inkastoo shalayto uu qarax ka dhacay xarun lagu codeynayay oo ku taala caasimadda Quetta, halkaasii oo ay ku dhinteen 31 qof.

Hogaamiyaha xisbiga PTI Cimran Khan ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyni doono sidii uu usoo noolayni lahaa xiriirka xun ee sanadihii lasoo dhaafay udhaxeeyay pakistan iyo hindiya si xal waaro loogu helo dhulka kashmir ee lagu muransanyahay.

Mr Khan ayaa balan qaaday in dalka pakistan uu u maamuli doono qaab aan horay loo arag, waxaana guusha uu gaaray uu ku tilmaamay in ay tahay mid u sahleyso in uu dhaqan galiyo dhamaan riyooyinkii uu lahaa ee uu ku doonayay in dalka pakistan uu ku hormariyo.

READ MORE:  20 Masaari ah oo maanta xukun dil ah lagu xukumay

Hogaamiyahan xisbiga PTI Cimran Khan ayaa balan qaaday in uu si wayn ula dagaalami doono musuq maasuqa oo uu sheegay in sida cudurka kansarka uu u saameeyay shacabka pakistan.

Khan ayaa hindiya wadahadal ugu baaqay, waxaana Raisul wasaare Narendra modi uu ka dalbaday in miiska wadahadalka isugu imaadaan si ay u xaliyaan khilaafka sanadaha badan soo jiitamayay ee udhaxeeya labada wadan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->