Subscribe

DEG DEG: Ciidammada Qaranka Oo howlgallo Adag ka fuliyey Muqdisho+ Dhallinyaro La Soo Qabqabtay?

Afrikada, Muqdisho: Saaka aroortii waxaa howlgallo ay sameyeen Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya lagu soo qabqabtay dhallinyarro fara bafan.

Howlgalka oo ay sameeyeen ciidamo isku dhaf ah ayaa eaxaa la bilaabay Salaadii Subax kadib eaxaana ciidammafu u dhaceen meelo badan oo laga shakisnaa.

Xaafadaha loo dhacay waxaa ka mid ah xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Cali Turcaaye, oo ka wada tirsan degmada Heliwaa.

Boolis, Millatari, Nabad Sugid iyo iyo Dhar-Cadda Dowladda ayaa howlgalkaasi ku galayey xaafadaha iyo guryaha qaar waxaana banaanka loo soo saaray dhallinyaro badan oo la tuhmayey in qaarkood ay qalqal ku ahaayeen amniga guud.

Dhallinyarada ayaa bilaa camal ah waxaana ay u nugul yihiin in ay galaan kooxaha argagaxisada oo maskaxda ka xada bandankood, xilli aysan weli dowladdu u yagleelin nidaam dhallinyaro (Scouts)) oo heer ‘Gurmad Qaran’ u geli kara si ‘Mutadawacnimo’ ah iyadoo kharash badani aanu ku bixinna dowladnimada iyo dalkaba ku caawin kara xoogooda intii ay xaafado dhex jiifi lahaayeen.

READ  DAAWO: Wasiirada Dhulbahante ee Somaliland Oo Shaaciyey War Ka Nixiyey Muuse Biixi

Si kastaba, dhallinyaradani oo haatan lagu soo qabqabtay howlgalka Suuqa xoolaha ayaa la isugu keenay barxad banaan, Saraakiisha iyo madaxda degmada Heliwaa ayaa earbaahinta u sheegay in ujeedka hawlgalkan uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: