DAAWO: Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Oo Khudbad CAJAA’IB AH u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Afrikada, Muqdisho:    Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad taabanaysa meelo badan u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo la hadlayey qof kasta oo Soomaali ah ayaa ku booriyay dadweynaha in ay difaacaan dalkooda, kana qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dib udhiska iyo difaacida dalka soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay midnimo, isxilqaamid iyo dhabar adayg si Soomaaliya hormaro loogu horseedo.

Madaxweynaha ayaa amaanay qowmiyadaha Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay leeyihiin dad ganacsiga ku dheereeya dal iyo dibad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirigeliyay shacabka in la isdiyaariyo oo sanadguurada 60-aad Soomaalida laga filayo laga arko horumar aad u balaaran oo dhinac kasta ah.

Hogaamiyaha ayaa ku waaniyey dadweynaha in ay nadaafadda iyo bilicda ku dadaalaan isla markaasina Qashinka laga qaado magaalada caasimadda ah.

Khudbaddani ayaa aheyd midii ugu horeysay ee taabaneysa DANTA BULSHADA rayidka ah iyo HORUMARKA DHAQAN DHAQAALE ee magaalooyinka dalka.

READ MORE:  Madaxda maamul goboleedyada Oo maanta Shir ku yeelanaya Garoowe

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->