AKHRISO: Yaa Dilay Eng. Simegnew Bekele, Maskaxdii Ka Dambeysay Biyo Xireenka GERD ee Itoobiya? | Afrikada

AKHRISO: Yaa Dilay Eng. Simegnew Bekele, Maskaxdii Ka Dambeysay Biyo Xireenka GERD ee Itoobiya?

Afrikada, Addiss Ababa:   Waxaa la helay meydkii Engineer Simegnew Bekele oo ahaa maskaxdii ka dambeysay dhismaha Biyo-xireenka weyn ee wadanka Itoobiya.

Gaarigiisa ayaa lagu dhex dilay Injineerkani iyadoo saaka subaxnimadii maydkiisa laga dhex helay gaarigaasi oo yaallay Fagaaraha Meskel ee bartamaha caasimadda Addis Ababa.

War ay shaacisay Idaacadda FANA oo taageerta Dowladda Ethiopia ayaa lagu sheegay in aan la ogeyn waxa sababay geeridiisa, waxaana socdo baaritaanka dilkaasi.

Injineer Simegnew Bekele waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, (The Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD), kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, bito xireenkaasi oo la sheegay in looga gol lahaa in Itoobiya uu u keeno horumar balaaran, GERD ayaa sidoo kale noqonaya Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.

Biyo xireenka Gerd waxaa uu jiitey biyihii webiga Niilka taasi oo dowladda Itoobiya ay cadaawad ugu qaadeen dowlado daxaraha ka koreeya oo Masar ay kow ka tahay.

SAWIRADA MEYDKIISA OO LA HELAY:

READ MORE:  Maxkamad Ku Taal Koonfur Afrika Oo Xasaanadii Diblumaasiyadeed ka Qaaday Grace Mugabi

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo la afduubtay Iyo Xabadda Oo dhaceysa Baydhabo?
- Dec 13, 2018
Afrikada, Baydhabo: War haatan ina soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beydhabo uu ka ...
Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.
- Dec 12, 2018
Afrikada, Nairobi:  Wadanka Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhaqaale oo dhan 3.1 sanadda sii dhammaaneysa ...
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018
- Dec 12, 2018
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018 HALKA HOOSE KA DAAWO:  
DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->