Dowladda Soomaaliya Oo ku soo Ururtay Xamar Jab Jab iyo Waaberi? | Afrikada

Dowladda Soomaaliya Oo ku soo Ururtay Xamar Jab Jab iyo Waaberi?

Afrikada, Muqdisho: Howlgallada ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaafi kari la degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Howlgallo qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ee DFS ay sameeyeen ayaa lagu ogaaday in meelaha ciidanku aadka u bartilmaameedsadaan ay tahay oo keliya goobaha dekedda iyo ayraboorka iyo weliba madaxtooyada ku dhow dhow.

Dowladda ayaa waxaa dadka madaafiicda ku soo tuura ay degan yihoon degmooyin magaalada ka baxsan, iyadoo mararka qaar madaafiic iyo moortarro lagu garaaco xarumaha sida madaxtooyada oo kale.

Howlgallada haatan dowladda Farmaajo sameysay ayaa ah kuwo ay beegsaneyso dadka deggan goobaha u dhow xarumaha dowladda tani oo u muuqata in dowladdu ay faraheeda ka baxeen degmooyinka la ogyahay in ay mintidiintu ka soo abaabulaan weerarada argagixiso, degmooyinkaasi qaarkood oo aan la geli karin.

Ciidammada dowladda ayaa tiradpodu aad u badan tahay balse waxaan jirin dowladdii xoogooda ka faaiideysan laheyd.

Ciidammada oo mushahar qaadanaya ayaa iyagu lagu xareynayaa xeryo ay iska seexanayaan, tani oo iyadana muujineysa in M/weyne Farmaajo uu yahay hogaamiye aan weli hurdada ka kicin, halkii uu gobollada dagaaladu ka socdaan horumarka dowladeed gaarsiin lahaana waxaa uu isku wareejiyay ciidamo lagu sheegay kuwo milleteri ah.

READ MORE:  DEG DEG: 14 Sarkaal Oo loo Xiray Qaraxyadii Muqdisho

Ciidammada la howl geliyay shalay ayaa howlgallo qorsheysan si gaar ah uga sameeyay Garaashyo lagu xareeyo Gawaarida oo ku yaalla degmooyinka Xamarjajab iyo Waabari ee G/ Banaadir, xaafadahaas oo la wada ogsoon yahay in ay degan yihiin dadyowga beledka ugu danta yar.(Jareer iyo Reer Xamar).

Waxaana howlgalkan shalay dhacay si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya Booliska AMISOM, iyadoona lagu baarayay walxaha qarxa.

Ciidammada Soomaaliya dhowaanahan ma aysan xoreynin gobollo ama degmooyin in iyaga laga ceyrsado mooyee, arrinkan oo muujinaya in Farmaajo aad u daallan yahay oo ay ka dhammaatay, isaga oo hadda lagu dhex ilaalinayo goob aan la cayimin.

Ma jirto wax saadaal ah oo laga bixin karo tallaabooyinka horumarin ee dowladdu gaareyso, sababtoo ah waxaan fekerku Ku soo idlaaday sidii loo sugi lahaa amniga xaafadda m/weynuhu Ku nool yahay si aan hurdada looga kicinin.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo la afduubtay Iyo Xabadda Oo dhaceysa Baydhabo?
- Dec 13, 2018
Afrikada, Baydhabo: War haatan ina soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beydhabo uu ka ...
Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.
- Dec 12, 2018
Afrikada, Nairobi:  Wadanka Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhaqaale oo dhan 3.1 sanadda sii dhammaaneysa ...
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018
- Dec 12, 2018
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018 HALKA HOOSE KA DAAWO:  
DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->