Subscribe

DEG DEG: Diyaarado Waraaqo Daadiyey Oo Ku Wargeliyay Shacabka KU NOOL meelaha ay maamulaan Al-Shabaab+DUQEYMO Cirka ah Oo bilaabanaya

Afrikada, Shabeellooyinka:      Waxaa soo baxaya warar cusub oo sheegaya in digniino loo jeedinayo shacabka ku dhex nool kooxaha Al-Shabaab ee gobollada Shabeellooyinka.

Waxaa dhalaneysa cabsi ay wajahayaan dadweynaha rayidka ah kadib markii Diyaarado waraaqo daadinaya ay dul mareen degaanadaasi maalnimada maanta.

Diyaarado dagaal ayaa degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Shabaab waxa ay maanta ku daadiyeen warqado digniin ah oo ku socota dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay idaacadaha Muqdisho ugu waramay in inay arkeen Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya degaano labadan gobol ka kala tirsan.

Tuulooyinka ay Diyaaradahan dagaal warqadaha ku daadiyeen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Basra oo dhawr iyo Toban KM dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Basra ayaa waxa ay waxa ay ka mid tahay goobaha ay maamulaan Ururka Al Shabaab, warqadaha ay Diyaaradahan daadiyeen ayaa waxa ay shacabka uga digayaan inay ka akdhawaadaan goobaha ay Shabaab ku sugan yihiin.

READ  DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanadan ayaa waxa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in diyaaradahan ay duqeyn geystaan, xilli aanan laga warqabin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab lagu weerari waayey meelo badan sababo la xiriira shacabka oo ay dhex degan yihiin ama ay ku gabadaan, tani oo keentay in shacabka digniino loo jeediyo kadibna ay macquul tahay in duqeymo dhanka cirka ah lagu baabi’iyo xarumaha waaweyn iyo meelaha ay u badan yihiin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: